WAR DEG DEG: Shirweynihii galabta ka furmi lahaa Magaalada Muqdisho, oo uu markale dib u dhac ku yimid

 

newslogo2
Waxaa uu dib u dhac uu markiisii 3-aad uu ku yimid Shirweynihii beelaha Jubbooyinka loogu qaban lahaa Magaalada Muqdisho, kadib dib u dhac ku yimid Ergaydii ka imaaneysay Magaalada Kismaayo.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta C/shakuur Cali Shire, oo goor dhow la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxa uu xaqiijiyay in uu dib u dhac uu ku yimid, Shirweynihii galabta ka qabsoomi lahaa Magaalada Muqdisho.

Wasiir Ku Xigeenka, ayaa wuxuu sheegay in ay dib u dhac ku yimid Ergadii ka imaaneysay Magaalada Kismaayo, isla-markaana uu shirka uu dib u furmi doono Axada berito ah.

Inta badan ka qaybgalayaasha shirkaan, ayaa waxay galabta ku sugan yihiin Xarunta loogu talla galay in shirka lagu qabto, marka laga reebo xubnihii Jubbooyinka ka imaanaayay, oo uu dib u dhac ku yimid.

Madaxda Maamulka Jubba, ayaa waxaa lagu wadaa in ay gelinka dambe ee maanta ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, haddii kalana ay imaan doonaan maalinimada berito.

Shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka, ayaa waxaa markii hore la doonaayay in la qabto 5-tii bishii October, dib u dhac ku yimid, ayaa hadana la go’aamiyay in la qabto 21-kii October. Inkastoo dib u dhac kale ku yimid la go’aamiyay in la qabto 2-da bisha oo maanta ku beegan.

Salaanmedia/Mogdisho