WAR DEG DEG: Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay irida hore ee Hotel Maka Al-mukarama

image

Weerar ismiidaamin ah, ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay aafafka hore ee Hotel Maka Al-mukarama, xilli galabta uu ka dhacay weerar fashilmay oo ismiidaamin ahaa.

Warar kala duwan, ayaa waxay ka soo baxayaan sida uu u dhacay weerarkaan ismiidaaminta ah, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu geystay nin xidhnaa jaakada ka sameysan walxaha qarxa.

Warar kalana waxay sheegayaan in lagu fuliyay weerarkaan gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo uu saarnaa hal nin, kaasoo la sheegay in uu ku dhuftay irida hore ee Hotelka laga galo.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan Wadada Dabka, ayaa waxa uu sheegay in ay arkayeen gaadhi la soo dhigay agagaaraha Hotel, markii dambena uu si iskiis ah uu u qarxay.

Weerarkaan, ayaa wuxuu sababay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, oo u badan dadkii maqaaxida ku dhex taala Hotelka, ka cunteeya.

Gaadiidka gurmadka deg degga, ayaa halkaasi ka daad gureynaaya dadkii ku waxyeeloobay weerarka ismiidaaminta ah.

Gaadiidka dab damiska ee Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa iyana la sheegay in ay halkaasi ku sii jeedaan.

Aagga uu weerarku ka dhacay, ayaa sidoo kale waxaa weli laga maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidanka Dowladda, oo ay kaga hortagayaan dadka halkaasi ku qul qulaaya.

Salaanmedia/Mogdisho