WAR SAXAAFADEED Axsaabta Mucaaradku xaq dastuuri ah ayay u leeyihiin in ay shir qabtaan iyo inay dood qabtaanba.

Maxamed

Waxaan dhegaystay wasiirka arimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Waran Cadde iyo Gudoomiyaha Guurtida SL Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan  oo yidhi axsaabta mucaaradku ma qaban karaan SHIR QARAN.

Manta ka hortow dad badani may rumaysan in wadanku uu marayo meel khatar ah.

Waxa ay labada Masuul sheegeen in aan cid aan madax weynaha ahayni qaban Karin SHIR QARAN. Yaa sheegay shirka qaran ee ay masuuliyiintu ka hadleen.  Waxaaban dhegaystay masuul  kale oo leh axsaabta mucaaradku waxay ku baaqayaan waa SHIR BEELEED, miyaanay wax lala yaabo  iyo fashilaad ahayn. Shacabka wax walba ma lagula hadlayaa, shacab kuse wax walba ma dhegaysanayaan. Miyaanay umadda caqligeeda cay ku ahayn in wixii ay dhegaysteen wax aad uga fog loogu turjumo.

Axsaabta mucaaradku waxay sheegeen dood lagaga hadlayo wixii inaga qaldan si loo saxo. Bal muwaadin kastow dib u dhegayso khudbadii gudoomiye C/Raxmaan Cirro arintan kaga hadlay. Xagee laga keenay shirka qaran iyo shirbeeleedka laga hadlayo. Hadda ma inaan dadku waxaba fahmayn ayaa  arin la isugu daystay.

Waa xaqiiq in dawladeena wax badani ka khaldan yihiin oo talo iyo tashiba loo baahanyahay. Waxaynu ognahay in Qabyaaladi ay wadanka sida daadka u qaaday oo gaadhay heer aanay weligeed gaadhin. Nidaamkii dawladnimo iyo ku dhaqankii shuruucda dalka ayaa aad iyo aad looga dayrinyaa,Tusaale cadna ay u tahay sida ay dawladu ugu aragto in aanu mucaaradku xaq u lahayn in uu la xisaabtamo, ufiirso,  Tuhunkii iyo dhaliishii ku gadaanayd mashruucii dhismaha Airportka caasimadda ayaan wax jawaaba oo rasmi ah laga siin axsaabta mucaaradka, oo wixii ay ka hadlaanba laiska odhanayaa uun soo cadeeya halkii laga rabay in ay dawladu cadymaha iyadaa haysee ay is baraxdo; u fiirso, Heshiisyadii lala galay shirkadaha shidaalka oo Baarlamaanku si rasmi ah u dalbaday in loo soo gudbiyo ayaan  ilaa hada la maqal wax loo gudbiyay.  Siyaasadii arimaha debedda ee JSL ayaa ku dhow in aynu noqono go’doon oo saaxiibadii Somaliland ee ugu waaweynaa ay haatan inaga doorbideen dawlada Somaliya ee shalay la dhisay.  Qaabka qorshe la’aanta ah ee ay dawladu u dhex dabaalato shirarka ay la gasho somaliya ayaad moodo in fashilaad mooyaane aan wax kale laga faaiidin oo in badan sabab u ah jahwareerka ku dhacay saaxiibadii Somaliland oo fahmi waayay waxa aynu doonaynaba.  Waa hubaal in Siyaasadda Somaliland aad aiyo aad u dhabaqsantahay oo talo iyo tashiba loo baahanyahay.

Hadaba Mudanayaal waxaa iyo wax la mida oo ka qaloocday dawlada ayaa Axsaabta mucaaradku rabaan in ay ka ka doodaan oo ka tashadaan, xaqna way u leeyihiin. Waana AXSAAB QARAN, waxa loo doortay sida madaxweynaha loo doortay, Shirna way qaban karaan doodna way qaban karaan.

Waa la fahmi karaa inaad rabtaan inaan dhaliilaha dawlada laga hadlin, laakiin taasi miyaanay cabudhin heerkii ugu sareeyay ahayn. Mudanayaal anigoo aad idiin ixtiraamaya, waxaan idinka codsanayaa in aydaan wadanka  jar ka ridine aad dib u eegtaan  faraqa u dhexeeya Khudbadii Gudoomiye Cirro iyo sidaad idinku I u fahanteen.

Waxa ay Axsaabta mucaaradku qabanayaan shir lagaga doodayo dhaliisha iyo siyaasad xumada dawlada iyo sidii loo sixi lahaa, ma waxaad leedihiin shir noocaas ah ma qaban karaan? . hadaad sidaa qabtaan miyaanay la macno ahayn in dalku khatar qarka u saarnyahay oo aynu dib ugu noqonay cabidhin iyo dictatorship.  Mudanayaal yay idiin dhuuman, dawlada waa la dhaliilayaa, waa laga shirayaa khaladkeeda, wixii xaq loogu leeyahay ayaa laga dalbanayaa. dalka waa la wada leeyahay. Waa maxay faaiidada idiinku jirta in aan dawlada la dhaliilin ama aan khaldkeeda la sheegin, khaladku hadii la qaban waayo miyaanu qaranka dhabarjab iyo burbur u keeni Karin? Maxaa ceebta iyo taariikh xumada ku falaysaan, dawladu waxan aad moodo in ay dembebesayso may marka hore umadda ka joojiso? Hadii aany waxba khaldanayn se may dawladu is baraxdo oo caadi iska dhigto, maxaa cidii istidhaa hadalba hanjebaada iyo digniinta looga horgeynayaa?
Maxaa keenay in shir xisbiyada mucaaradku qabanayaan uu ilaa gudoomiyha guurtidu ka hadlo oo yidhaa joojiya. Goormaynu heerkan gaadhnay? Waxa la qarinayaa weynaa!!!.
Mudanayaal sida aad u hadasheen ayaa laga fahmayaa in Somaliland wax weyni ka khaldanyihiin oo ay khatari jirto.Alle ha sahlo.

 

  • Waxaan ku soo gebagebaynayaa, in guud ahaan umadda reer Sl iyo gaar ahaan Axsaabta mucaaradkuba ay xaq u leeyihiin in ay dawlada la xisaabtamaan, oo dhaliilaan, hadii taa la waayo ama la damco in meesha laga saarana nin walowba ogow waa wadada ay umaduhu ku burburaane.
  • Waxaan u soo jeedinayaa madaxda dawladdu  inay ixtiraamaan Sharciga dalka u yaala oo ay ixtiraamaan xuquuqda muwaadinka, xuquuqda saxaafadda  iyo Xuquuqda Axsaabta qaranka ee mucaaradka ahba.
  • Ciidanka amaanka ee qaranka waxaan  idin leeyahay Ilaahay ayaa wax idin siiyee, yaan siyaasigu marka uu qaldamo ee uu dan gaara leeyahay idin adeegsan oo aan la idiin isticmaalin in aad ku tumataan xuquuqda muwaadinkii aad dirayska u xidhnaydeen inaad ilaalisaan.

 

 

Allaa Mahadleh

 

Maxamed C/llaahi Ciise

Xubin Gudiga Arimaha Debeda ee Xisbiga WADDANI