Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalo galay Maalintii 3-aad oo kasocda Duleedka Jowhar iyo Tuulooyin hor leh oo maanta la gubay

newslogo2

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Tuulooyin hoos taga Magaaladaasi ay kasocdaan Maalintii sadaxaad Dagaalo cuus ay ku dhinteen dad ku dhaw 50-qof.

Dagaalka labada Maleeshiyo u dhaxeeya ayaa galay Maalintii sadaxaad iyadoona dagaalka uu sababay barakaca qoysas tiro badan , waxaana maanta Dagaalka lagu gubay Tuulooyin hor leh oo katirsan deegaanada lagu dagaalamayo oo ku yaala Waqooyi Bari Jowhar.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay Tuulada Saabuun halkaas ay labad dhinac uu maanta ku dhax maray Dagaal dhiig badan ku daatay , wararka ayaa sheegaya in gabi ahaan dab la qabadsiiyay tuulooyinka Saabuun iyo Labo Laab.

Dagaalka ayaana kusii fiday tuulooyin hor leh ay deegaansadaan labada Beelood ee dagaalamaya ee kala ah Walamow iyo Maxamed Muuse .

Wali ma muuqdo dadaalo horseedaya in deg deg lagu joojiyo Dagaalada Dhiiga badan ku daadanayo ee kasocdaTuulooyinka hoos taga Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhaxe .

Deegaanada ay kasocdaan dagaalada lagu hoobtay ayaa waxaa ka da’aya roobaba mahiigaan ah taa oo dib u dhac ku keentay qorsho la doonayay in labada dhinac lagu kala dhax galo si loo joojiyo dhiiga daadanaya.

Salaanmedia/Mogdisho