Warsaxaafadeed:Xisbiga KULMIYE Oo Beeniyey War Laga Faafiyey

(SM:Hargaysa) Xisbiga KULMIYE ayaa war aan waxba ka jirin oo been abuur ah ku sheegay war maanta lagu baahiyay wargeyska Waaheen oo sheegayay in Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE Kulan Isugu yimi.

Sidaana Waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Xogahaya Xisbiga KULMIYE oo u dhignaa Sidan:.

Waxa jiray war aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu daabacay wargayska Waaheen oo lagu sheegay inay kulan isugu yimaadeen Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE, isla markaana go’aamo ay ka soo saareen u gudbiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Haddaba, waxa uu xisbiga KULMIYE halkan ka cadfaynayaa in aannu habayaraatee jirin shir ay isugu timi Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka dambeeyay kii qabsoomay 25/October/2013 oo ay ku goysay in tirada ergooyinka shirwaynaha 3-aad ee xisbigu noqoto 801 ergay.

Xisbiga KULMIYE wuxuu mar labaad caddaynayaa inuu warkaasi yahay mid been abuur ah oo ka mid ah wararkii xaqiiqada ka fogaa ee wargayska Waaheen dhaqanka u ahayd.

 

 

 

Alla mahadle

 

Xasan siciid yuusuf

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE