Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Somaliya oo ka hadashay geerida C/qaadir Aadan “Dhuub”

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam, Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenada Wasaaradda, Xoghayaha joogtada, agaasimayaasha guud,agaasimayaasha waaxyaha, Safiirada, Qunsulada iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan eheladda, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Abdulkadir Aden Ali “Dhuub” oo 08 November 2013 ku geeriyooday qarax ay abaabuleen nabad-diidka oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel Maka Almukarama ee Caasimadda Muqdisho.

Marxuum Abdulkadir Aden Ali “Dhuub” waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda dabayaaqadii sanadkii 2009, isagoo loo magacaabay Xidhiidhiye diblomaasiyadeed (Liaison Officer- LNO-), waxaana uu u xilsaarnaa xiriirinta dowladda Soomaaliya iyo UK, kahor inta aanay labada Dowladood saxiixan Xidhiidh laba geesood ah.

Marxuum Dhuub Ali oo da’diisu aheyd 51 sano-jir, ayaa waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur.


C/qaadir Dhuub

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.