Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir Oo Sheegay In Fursado Badan Oo Maalgashi Ka Banaan Yihiin Waddanka Somaliland.

image

(SM-Hargaysa) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah  Bashiir Cabdi Xariir, ayaa tilmaamay in waddanka Somaliland ay ka banaanyihiin fursado maalgashi, Wasiirku wuxuu sheegay in fursadaha maalgashi ee dalka yaala ay Wasaarad ahaan qiimayn sugan ku samaynayaan. Wasiirka Ku-xigeenka Ganacsiga oo saxaafadda ugu waramaayay Xafiiskiisa waxaa hadaladiisi kamid ahaa.

 

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Ah. Bashiir Cabdi Xariir.

“Waddanka Somaliland waxaa ku duugan khayraad badan oo badda iyo barigaba leh, waxaana yaala fursado badan oo maalgashi, kuwaas oo shaqo abuur iyo horumar dhaqaale laga dhalin karo, khayraadka kaluunka badeena haddii maalgashi lagu sameeyo mid dihin weeye, macaadiinta shidaal iyo dhuxul dhagax ama khyraadka kale dhammaan dalkeena kuwo ku dihin oo la maal gashan karo weeye. Waxaana yaala fursado badan oo muuqda ayaa waddanka Somaliland yaala.”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Mud: Bashiir Cabdi Xariir, wuxuu ka dhawaajiyay in wada shaqayn wanaagsani ka dhaxayso ganacsatada dalka.

Salaanmedia/Hargaysa