Wasiirro Katirsan Xukuumada Somaliland Oo Deeq Gaadh Siiyay Deegaamo Roobabkii Khasaare u geysteen

Wasiirro Katirsan Xukuumada Somaliland Oo Deeq Gaadh Siiyay Deegaamo Roobabkii Khasaare u geysteen

1Nov 16,2013 Hargaysa(SM)–Wasiirrada Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade iyo Dibu dejinta Mudane Axmed Cabdi Kaahin ayaa Kormeer isugu jira Raashin qaybin iyo qiimaynta Khasaarihii ka dhashay raxmaadkii eebbe ee ka da’ay Jiidaha Gobolka Saaxil waxay maanta ku tageen deegaamada Bulaxaar,Geeri,Gargaarka iyo Deegaano hoos yimaada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay inay Gurmadkan gaadhsiin doonaan dhamaanba deegaanada bariga iyo galbeedka gobolka Saaxil.

Sidoo kale Wasiirka Dib u dejinta Mudane Axmed Cabdi Kaahin ayaa dhiniciisa sheegay in raashinkan ay deegaamada u kala gaadhsiin doonaan sida uu khasaaruhu u kala badan yahay.

Geesta kale Odayaasha ku dhaqan deegaamada Bulaxaar iyo Geeri ayaa Weftiga u sheegay in roobabkii ka da’ay Jiida Deegaankaasi ay ku dhinteen ilaa 600 oo Neef iyo Guryo tiro badan oo uu dumiyay,Warku waxa uu intaas ku daray in Weftigu caawa ku u hoyan doonaan deegaanka degmada Bula xaar iyagoo uga sii Gudbi doona dhinaca Gobolka Salal.

Salaanmedia/Hargaysa  Somaliland