Xildhibaano fara badan oo kahor yimid shirka maalintii 2-aad ka soconaaya Magaalada Muqdisho

newslogo2

Xildhibaanada beelaha Digil & Mirifle ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay maanta kahor yimaadeen Shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka, ee maalintiisii 2-aad ka sii soconaaya Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaan oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka, ayaa gaba gabadii kulankoodaan halkaasi kula hadlay Warbaahinta. Waxayna sheegeen in ay ka soo horjeedaan shirka Xamar ka soconaaya.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”, oo kamid ahaa Xildhibaanadii Saxaafada la hadashay, ayaa wuxuu wax laga xumaado uu ku tilmaamay, shirka Dowladda ay ku qabatay Magaalada Muqdisho.

Sheekh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in Dowladda ay dhulkooda siineyso dad aan u dhalan sida uu sheegay, laakiin taasi ayuu sheegay in aynaan iyagu waxba ka quseyn, wixii dhibaato ah ay ka yimaadana, ay dusha u ridan doonto Dowladda.

Xildhibaan Sheekh Shaacir, ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Somaliyeed, ay si gaar ah shirka ugu qabatay beelo gaar ah, halka kuwii dhulka Jubbooyinka Xaqa u lahaana, aynaan ka soo qaybgelin, sida uu yiri.

Mr. Shaacir, ayaa xusay bedelkii Dowladda Soomaaliya ay isku soo dhawayn laheyd dadka Somaliyeed, in ay colaado ka dhex hurineyso sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Maxamed Aadan Xaabsade, ayaa waxa uu Ururka Midowga Afrika iyo Dowladaha deriska, uu ku wargeliyay in aynaan waxba ka gelin shirka ka soconaaya Magaalada Muqdisho. Isla-markaana aynaan aqoonsan doonin wixii natiijo ah, ee ka soo baxa.

Xaabsade, ayaa dhankiisa Dowladda ku eedeeyay in ay ku hawlan tahay, dagaalo sokeeye oo dib uga curta dalka Soomaaliya. Xilli uu sheegay in dadka Somaliyeed lagu khasbaayo, in ay dib hubka u qaataan, beel beelna u wada dagaalamaan.

Si kastaba ha-ahaatee eedaha iyo dhaliilaha loo jeedinaayo Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay noqdeen kuwo xargaha goystay, isla-markaana isa soo taraaya.

Salaanmedia/Hargaysa