Xisbiga Kulmiye ee Minnesota oo taageray Guddoomiyaha Guddida Qabanqabada Shirweynaha Xisbiga

Anigo  ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Minnesota  kuna   hadlaya magaca gudoomiyaha  Xisbiga  , Gudida fulinta iyo taagerayasha gobolka Minnesota waxaan Hambalyo  u dirayaa Gudoomiyaha  gudida qabanqabada Shirka  Xisbiga Kulmiye loo doortay Mudane Abukar Xaamud Jibriil.  Mudane Abukar waa  nin dhalinyaro ah aadna u firfircoon  haystana aqoon iyo waayo aragnimo ku guto xilkan culus  ee loo igmaday. Waxaan kalo Hambalyo taa la mid ah  u dirayaa  xubnaha kale ee gudida dhamaantood.

Beryahan danbe waxaa caado noqotay in marka  masuul xil loo doorto rag  dano siyaasadeed iyo kuwo shaqsiyaded lehi durbaano diidmo ah  ka soo daba tuntaan sidi ka muuqatay shirki jaraa’id  ee qabteen masuuliyiin ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga, Kuna diidayeen Guddoomiye Abukar Xaamud Jibriil. Masuuliyinta ayaa waxaa ka muqatay nin jeclaysi iyo in ay mushkilad ka dhex abuuran xisbiga, kuna tilmaamay waxba kama jiraan  doorashadi sharciga ku salaysnayd ee lagu doortay guddida Cusub.

Waxaan kula talin lahaa in Xisbiga loo tudho lana kala dhawaysan masuuliyinta xisbiga iyo dadka sharciga lagu doortay, lana aqbalo  Guddoomiye Abukar  iyo gudida uu horkacayo  si hawsha baaxada leh ee sugaysa  u gutaan. Masuuliyinta sar sare  sida Guddmooyiha Xisbiga Muse Bihi, Guddoomiye ku Xigeenka  Mohamed Kaahin iyo Guddoomiyaha  golaha dhex Jaamac Shabeel waa in ay ku qancaan natiijada ka soo baxday kulanka lagu dortay  Mud Abukar. Xisbiga waa lagu dhex tartamaya  guushuna waxay raacaysa masuulka xisbiga iyo tageerayashiisu ku qanacsanyihiin looma bahna in fawdo laga dhex bilaabo. Kulmiyena waa xisbi soo jireen ah oo  ku burburayn  qaylo iyo caadifad ka timaada  kuwi loo baahna inay iyagu Xisbiga  isu soo dhaweeyaan.

 

Guul  iyo Gobbonimo

Kulmiye

 

Eng Abdulahi H. Bullaale

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Minnesota. USA