Xisbiga UCID oo Hambalyo u Diray Saxaafadda Somaliland

Daawo Video: Xisbiga UCID Oo U Soo Jeediyay Madaxwayne Siilaanyo Inuu Si Dhakhso Ah Xilka Uga Qaado Wasiir Xirsi Hadii Kale Ay Dhengad Kaga Soo Saari Donan Madaxtoyada

 

Hargeysa/ Xisbiga UCID oo Hambalyo u Diray Saxaafadda Somaliland War-Saxaafadeed uu ku Saxeexan yahay Xoghaya Warfaafinta ee UCID Md Yusuf oo Nuqul ka mid ahina Soo Gaadhay T ayaa u Qornaa Sidatan:-

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

Hargeysa S/land

         Head Office

Email: Saxaafada@NewUcidParty.com

Tell:  0025228866 + 52002524421671

_______________________________________________________________________          Ref:Sum:2028  UCID 09/11/2013

War Saxaafadeed

Ujeedo/Hambalyo Saxaafadda Somaliland

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa uu Dhambaal Hambalyo Iyo Bogaadin Aan La Soo Koobi Karin  u Dirayaa Dhamaan Saxaafadda Somaliland Qaybaheeda kala Duwan  Xuska Sanad Guurada 15 aad Awgeed ee (Maalinta Saxaafadda Somaliland )

Sidoo kale Waxaa uu Marlabaad  Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku leeyahey Hambalyo Hambalyo  Hambalyo Meelkasta Oo aad ka Soo Tabisaan Wararka Xaqiiqda Ah Ee Shacbiga Somaliland Gudo iyo Dibadba ka Haqab tirtaan

Hadaba Saxaafadda Somaliland waxay Door Muhiim Ka Qaadatey Hirgalinta,Taabo galinta Dimuqraadiyadda,Ictiraaf raadinta  iyo Xoriyotul qawlka Jamuuriyadda Somaliland ee

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Waxaa uu Cod Dheer  iyo Mid Gaabanba Digniin Culus U Dirayaa Xukuuumada Somaliland oo ku Hawlan Gawraca,hagardaameynta iyo Aasida Xaqa Saxaafadda Madaxa Banaan Ee Somaliland

Isla Markaana JooJiyaan Xeerka  Xaasidnimada iyo Xadhiga Xoriyatul qawlka Jamuuriyadda Somaliland.

Xisbigu Wuxuu Cmbaaraynayaa Siyaasad iyo  Sharci kasta oo ka Hor Imanyaa Milgaha, Xuquuqda iyo Amniga  Suxufiga iyo Hay’adaha Saxaafadda Madaxa Bannaan,

Xisbigu Wuxuu Qabaa inaanay Meelna kaga Jirin Distoorka Qaranka samaynta  Gole saxaafadeed, tifitirka iyo dabagalka hufnaanta warka hay’adaha saxaafadda madaxa bannaan,Balse Laga Leeyahey Dano Siyaasadeed oo Lagaga Guurayo Dimuqraadiyadda Loona Guurayo Kaligii Talisnimo

 Xisbiga Ucid Wuxuu isbarbartaagi Doonaa Wado kasta oo ay Saxaafaddu ku Difaacayaan Xornimadooda iyo Xorriyatul Qawlka Guud Ahaan si Sharciga Waafaqsan.  

 

 

 

 

 

 

XOGHAYAH WARFAAFINTA EE XISBIGA UCID                                

                            YUUSUF KAYSE ALL/AHI

            ………………………………………………………………