Xisbiyada Mucaaridka ah oo la Wareegey Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka

Xil: Cabdiraxman Yusuf Cartan Milicsi kooban – tagtadii dhoweydXildhibaan Cartan

Koox siyaasiyiin ah oo magac iyo taariikhba ku leh dalkan Soomaaliland ayaa bilawgii sanadkan kaga sanqadhiyey aas aasidda waxa ay ugu yeedheen: Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka!

Runtii, waa lala yaabay arrintaas dhawr sababood aawadood: 1) Gole Qaran? Naw,waa maxay golahan qaran ee afraad? Awel miyeynaan lahayn saddex gole qaran? Taasi waxay dadkii caadiga ahaa judh-dhiiba u iftiimisey inay odayaashu qardda jeex yihiin.

Iintii aan nuxurka ujeedada golahaba hore loogu marin, qolyihii geeddi socodka dimuqraadiga u dhuun daloolay, waxay kala sixi waayeen: in goluhu yahay urrur siyaasadeed cusub iyo in kale? Naw, urrur-siyaasadeed maaha, sababtoo ah, hawshaas mar hore ayaa laga soo faraxashay, oo waa tii urruradii tirada badnaa ee golayaasha deegaanka u tartamay ay isugu soo biyo shubteen saddexda xisbi qaran.
Sida uu qorayo xeerka xisbiyadu,toban sanadood oo danbe ayay sugaysaa ciddii uu hunguri ka hayo furashada urrur siyaasadeed cusub. Hadda ma urrur samo-fal baa? Maya, odayaashu ka koodhadh waaweyn xubno isugu taga urrur samofal.

Ragga akhyaarta ah ee ka dhex bidhaamaya daraadeed, waxay reer Soomaaliland yaqiinsadeen in goluhu yahay gole siyaasadeed oo u soo tafa-xaytey badbaadinbta iyo toosinta qaranka Somaliland! Haseyeeshee, waxa dad badan khakhal geliyey markii Golahaas laga dhex milicsaday qaar ka mid hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah oo Golihii dhex fadhiya! Weger? Waa maxay waxan xisbiyada qaranka qaban kari laýihiin ee akhyaartu is bahaysatey toosinayaan?

Intaas kuma ega, waxa golaha qaranka dhex fadhiya xubno ka tirsan Golaha Wakiilada? Haddabaaleey! Waa maxay aafadan uu Golaha

Wakiiladu u maara waayeen ee kooxdani furdaaminaysaa? 
Suaalo tira badan oo isugu jira kuwo sharci iyo siyaasadeed ayay kicisey ku dhawaaqidda Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta qaranku?
Runtii, Qodobka ay raaf ka riixi waayeen ee u cuntami weydey dadkii ay taagerada ka filayeen wuxu ahaa… ereyga magac-bixinta ee GOLE Qaran!

Iyagoo arrintaas furdaaminaya, odayaashu ereygii GOLAHA waxay ku beddeleen, MADASHA…magaciina wuxu isu rogay, Madasha Wada Tasgiga iyo Toosinta (MWT&T)! Taasi culays badan bay ka ridey.

Waxa kale oo odayaasha ku dhubuq tidhi ama aakhira-taankii u bidhaamay in golaha ama madashu ay miranayso duleedada xayndaabka sharciga. Waxay fahmeen inay geela mayracayaan aagag aanay u sahamin. Taasina waxay keentey in geela ay cidlada la joogaan ay xerooyinkii loogu talo galay u soo hooyaan oo arrinta ku wareejiyaan xisbiyada qaranka. Arrintaas odayaasha waan ku hablayayanayaa, waxan leeyahay: well done! Arrinka meeshiisii baad dhigteen iyadoo aanay ceebi idinka raacin!

Xisbiyada Mucaaridka ahi ma Garanayaan Waxay Tuurta u Ridteen?

In ereygii Gole, Madal lagu beddeley waa sax . In Geelii cidlada lagu weeteeynayeyna xeradiisii sharci ee qaranku u yagleelay lagu soo xereeyeyna waa sax.

Haseyeeshee, su’aasha loo baahan yahay in la fahmaa waxay tahay maxaa markii horeba ku kallifey odayaasheena qaaliga ah inay ka boodaan adeegsiga weelalkii sharci? Maxaa markii horeba u saaray awaaraha surmiga badan, illeyn ma odhan karno inta ay hadda garteen baanay markii horeba garanayayne?

Haddii aan soo koobo , waxan is leeyahay in ay odayaasha is tuseen arrimaha soo socda:

1) Aasaasayaashii Madashu waxay dareemeen in golayaashii qaran ee kala ahaa Golaha Fulinta, Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtidu ay gabeen kaalintoodu hoggaamineed ee qaranka u igmaday. Gaar ahaan in golayaasha sharci-dejintu ay ka baaqsadeen gudashada kaalintoodii ahayd Xad u yeelidda iyo dheeli-tirka awoodaha (check and balance) ee ku aaddanaa Golaha fulinta (executive branch), ee uu jideeyey nidaamka dimuqraadiga ahi, si awoodaha dawladnimo u ahaato mid isu dheeli tiran. Taasina waxay si qaawan u muuqatay markii uu Golaha Wakiiladu uu ku milmay Golaha Fulinta, wixii dhinaca Golaha Fulinta kaga yimmaadaana si fudud oo aan ka baaraan deg lahayn ay golaha u dhaafaan, amaba DUUDUUB ahaan ku ansixiyaan. Kaasi wuxu ahaa qodob dhibay muwaadiniin badan oo ay ka mid yihiin aasaasayaasha MWT&T.

2) Arrinka labaad ee odayaashu soo kiciyey wuxu noqday xisbiyadii mucaaridka ahaa ee Wadani iyo Ucid oo Odayaasha Madasha ula ekaaday xisbiyo gabay kaalintoodii mucaaridnimo. Odayaal badan oo Madasha ka tirsani, waxay xusuusan yihiin sida xisbiga Kulmiye wax-ku-ool u ahaa xilligii uu mucaaridka ahaa iyo barkimada dheer ee xisbiyadani dhigteen. Baylahada odayaasha fadhiga ka kicisey aragatidayda waxay ahaayeen buuxinta kaalintaas ay gabeen hayádihii u igmanaa.

Haatan iyo dan, Maxaa la Gudboon Xisbiyada Mucaaridka ah?
Waatan oo xisbiyadii mucaaradka ahaa waxay saareen guddi wada jir ah oo ka soo baaraandegta sidii ay u maarayn lahaayeen arrinka ay tuurta ku qaadteen ee ah shir qaran ama dodo qaran ee ay MWT&T ku soo wareejiyeen
Haddaba, inta aan sidii hore u dhacday la gawaan raacin, xisbiyadu waxay u baahn yihiin inay fahmaan waxan lagu soo wareejiyey waxa uu yahay.
Ogow, hal-ku-dhegga MWT&T wuxu ahaa qabashada SHIR QARAN oo la micno ah: hay’adihii Qaranku way ku fashilmeen xil-gudashadoodii ee ummaddu talo ha isugu timaaddo!

Taas ma tahay fekred ay qiranayaan xisbiyada mucaaridka ahi? Maya ayay ila tahay. sababtoo ah dhaliisha ugu weyn ee MWT&T xisbiyada mucaaridka ah iyo Golaha Wakiilada ayay ku wajahnayd. Haddaa waa maxay waxan ay guddida wada jirka ah u saareen? Ama rab ama ha rabin, fallaadh-dhu xil-gudasha laáanta xisbiyada mucaaridka aha ayay ku jihaysnayd.

Kolka xaalku sidaas yahay, waxba yaanay xisbiyada hadba qar isku taarine ha ka fekereen sidii dhaliishaa loo soo jeediyey ay u daweyn lahayeen oo ay mucaarid wax-ku-ool ah u noqon lahaayeen. Mucaarad xukuumadda muraayad u noqon kara, wixii ay hallayso ku eedaama, wixii ay hagaajisona ku hambalyeeya.

Xisbiyada mucaaridka ha iska ilaaliyaan inay mar kale gawaan raacaan, waxa laga doonayaa inay hurdada ka kacaan oo noqdaan mucaarid ilko leh, haseyeeshe u midaan dayaya halkay qaniinayaan. Mucaarid aan ku xiiqsanayn sidii ay gool uun u dhalin lahaayeen, xitaa haddii goolkaasi yahay mid waxyeelo u leh maslaxadda guud ee Somaliland. Waxaynnu u baahan nahay mucaarid xil kas ah oo inta aanu falin ka fiirsada!
Maxaa la Gudboon Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Hoggaankooda?

Golaha Wakilada oo aan xubin ka ahay, waa hayáddii labaad ee sida weyn ay (MWT&T) farta ugu goddey. Golahan waa kan ugu muhimsan Golayaasha qaranka, wuxu xambaarsan yahay wakiilnimadii dadweynihii soo doortay.
Waa mid subxaan Alle inuu u muuqdo gole ay xil-gudashadiisu liidato. Waxan leeyahay fadhiga ha laga kaco. Xeerarka si xilkasnimo leh aynnu ula mucaamilno oo joojino duuduub ku ansixinta. Sidoo kale wixii wanaagsan ee Golaha fulinta ka yimaadda aynnu taageerno, wixii qalloocanna yaynaan saxidooda ka daalin.

Qaranku shaqo ayuu inooga fadhiya, weli ma aynaan samayn xeerkii lagu dooran lahaa golaha wakiilada ee soo socda, waa in aynnu deg deg u bilawno samaynta xeerkaas haddii la doonayo in gole cusubi yimaaddo sanadka 2015 oo ay ku dhammnayso muddo kordhinta laynoo sameeyey. Haddii aynaan doonayn in aynnu noqono kuwa weligood fadhiya sida odayaasha amba inamada Golaha guurtida.

Xeerkii Guurtida lagu soo dooran/xuli lahaa isaga laftiisu Golaha wakiilada ayuu u yaal?

Ma jirto baylah taas ka weyn oo caqabad ku ah geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.
Kolkaas yaan lagu xiiqin guddi u saarka iyo lafa-gurka ama ku biirista MWT&T, balse hayádaha qaranku (xisbiyada iyo golayaasha sharci dejintu) hoos ha u eegaan wixii ummaddu u egmatay.

Salaanmedia/Hargaysa