Xisbiyada Mucaaridka Oo Si Wada Jir Ah Ugu Dhawaaqay Guddida Qaban-qaabada Shirwaynaha Qaran Ee Madasha Wada-tashigu Ku Wareejisay.

26Nov 4,3013 Hargaysa(SM)-labada xisbi mucaarid ee WADANI iyo UCID ayaa si wada jira u hir ah ugu dhawaaqay guddida qaban qaabada shirweynaha qaran ee ay hore ugu wareejiyeen madasha wadatashiga iyo Toosinta qaranka .

Shir sadex geesood ah oo maanta ku dhex maray hogaamiyayaasha labada xisbi mucaarid iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa layskula qaatay in la hir geliyo guddida qaban qaabada shirweynaha qaran ee lagaga wada hadlayo xaladaha guud ee dalku marayo,Xisbiga mucaaridka ah ee WADANI ayaa hore u magacaabay xubnaha u matali doona guddida qaban qaabada shirweynaha qaran kuwaas oo ka kooban lix xubnood oo uu soo magacaabay gudoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan Ciro kuwaas oo kala ah Maxamed Cabdilaahi Uurcade,

Dr.Maxamed Cismaan Fadal, Xasan Xuseen Faarax(Codyare), Xildhibaan Baar Siciid,Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali(Rayte).
Dhinaca kalena Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa isaguna dhinaciisa maanta ku dhawaaqay xubnaha u matali doona guddida qaban qaabada shirweynaha qaran waxaanay kala yihiin marwo Faadumo Siciid Ibraahin,

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,Cabdinaasir Yuusuf Cirro,Axmed Maxamed Diiriye,Aadan Cali Yoonis iyo Maxamed Mahdi Buubaa.
Isku soo wada duuduub oo waxa laga war sugayaa halka uu shirkan qaran ee ay isku raaceen labada xisbi mucaarid iyo madasha wada-tashigu halka uu isugu biyo shubta ayada oo ay arrintan ay xukuumaddu meel adag ka taagantahay.

Salaanmedia/Hargaysa Office
Somaliland