XUKUUMAD KU DHEX JIRTA XUKUUMAD ( A government Within A Government) Qaybta 1aad Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

mujcaligur_10Hargeysa (SM): –  Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ah Guddoomiye-Ku-Xigeenka 3-aad Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Ayaa  Qormooyin Taxane Ah Oo Uu Qaybtii  Kowaad Ku  Baahiyey Bartiisa FACEBOOK Oo Uu   Ugu Magac Daray:-XUKUUMAD KU DHEX JIRTA XUKUUMAD ( A government Within A Government) Qaybta 1aad

Xukuumadihii soo maray Somaliland tii ugu horeysay ee uu madaxwaynaha ka ahaa AHN Cabdiraxman Axmed Cali kooxda ugu mitidsanayd muxaafidkeeda waxa lagu naanaysi jiray ” shiish”. Kooxdaa waxa bartimaameed u ahayd kooxdii kale ee iyaga Baligubadle lagaga soo adkaaday ee lagu naanaysi jiray” Khaakhda” oo u badnayd kooxd…ii loo aqoon jiray Calan cas oo ay sanadihii dambe ee gudoomiye nimadii Axmed Silanyo ee SNM ay isbu bahaystayn kuwo kale oo xataa qaarkood ay ka tirsanaan jireen kooxdii wadaadada aan ahayn suufiyada.

Markii dalka la soo galay waatii shirkii Burco xukuumadii lagu soo dhisay ay markii ba la kulantay mucaaridad dardarteeda qabta iyada oo runtii wax la caaridaa aanay markaa weli mdhismin. Mitidnimadii guulwadaysnayd ee Shiishta oo muxaafid ahayd iyo macangag nimadii Khaakhda oo mucaaridaysnayd ayaa loo nisbayn karayay ama wax badana laga saari saarayay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka sanadkii 1992kii. Xukuumadii wakhtigaasi, haba itaal yaraato eh, waxa la ldhan karaa kooxdii Shiishta ay ahayd dawlad ku dhex jirtay dawladda oo marar badan talada ka maroorsan jirtay cid kasta oo kale xataa madaxwaynaha oo ay isaga dhigi jireen inay yihiin gidaarka birta aha ee kaga deyran kooxda halista ahayd ee Khaakhda oo ka koobnayd dhinacyo badan oo mucaarid nimo isku xulafaystay. Khilaafkii wakhtigaasi iyo dagaaladii ka dhashay ay kow ka ahaa arimihii sababay Shirwaynihii Beelaha Somaliland ee lagu qabtay Borame horaantii 1993kii.

Shirwaynihii Borame waxa dhacay wixii dhacay. Wuxu ahaa Shir ka duwaan kii burco Somaliland na ay go’aamo wax ku ool ah ku gaadhay. Wuxu ahaa shirkii ugu horeeyay ee beelaha Somalind iyagoo markan siman awoodii SNM na ay isla degtay ama is burburisay ay ku tashadaan. Shirwaynaha Borame wuxu keenay laba axdi oo dhamays tiran kii nabadda iyo kii qaranka. Marka aad sidaa u eegto wuxu ahaa shir la mahadiyay. Lakiin wuxu lahaa waji kale oo xun. Madaxwaynihii lagu doortay Borame IHN eh xukuumadii ugu horeysay uu dhisay waxay noqotay mid dhinac ka raran. Marxuunku Muu tixgelin duruufihii keenay shirwaynihii Borame iyo xataa niyad wanaagii madaxwaynihii ka horeeyay oo hadii aanu isagu ogolaan inu xilka ku wareejiyo 150kii oday ee ergada Shirwaynihii Borame Somaliland meel dheer laga dooni lahaa. Madaxwayne Cigal dhiniciisa in uu u haystay raga uu qaatay in ay yihiin kuwii ka takhalusay Tuur oo is yidhi adna waabay kugu darin hadii aanad iska hagaajin iyo in sida ay dad qabaan tab kale watay oo jab la maaganaa mid ay ka ahayd ba sidii uu yeelay waxay awood siisay dhinicii mucaaridkii AHN Cabdiraxmaan Tuur.

Taasi na waxa wax badan looga nisbayn karaa sababihii keenay dagaalkii sokeeye ee ka qarxay somaliland ee ka bilaabmay Hargeysa 15/11/1994kii. Markii uu dagaal kaasi socday muddo sanad ka badnayd ayuu Madaxwayne Cigal mar keliya siyaasadiisii dagaalka ka hor yimi uu yidhi ” dagaalku ba mashruuc buu ahaa”. Halkaa ayuu ka bilaabmay dagaalkii siyaasiga ahaa ee dhex maray Cigaal iyo kooxdii ugu awoodda badnayd xukuumaddii uu ku soo dhisay Borame. Dhinaca kale hadalka madaxwayne Cigaal ayaa ahaa fariin iyo baaq nabadeed oo uu u dirayay dhinicii maleeshiyada dagaalka kala soo horjeed satay maamulkiisa, gaar ahaan abtiyaashiin oo uu garanayay in si fiican ay u fahmi karaan fariintiisa. Iyadoo aan weli nabadaynti dhicin ayuu madaxwayne Cigaal mid mid uga takhalusay kooxdii ugu awooda badnayd xukuumadiisa oo aan marna iyagu is lahayn wuu idinku dhici karaa waayo waxay qabeen in iyagu ay kursiga saareen cidda qudha ee ku hayn kartaa na ay iyaga tahay laakiin sidii ay moodayeen way noqon wayday.

Si kasta xaalku ha ahaado eh Cigaal AHN eh wuxu ku guulaystay in kooxdii uu qaatay aanay u suurto gelin inay noqoto dawlad ku dhex jirta dawladiisa sidii ay ka noqotay xukuumadii AHN Cabdiraxaan Tuur kooxdii Shiish ee muxaafidkiisa ugu mayalka adkayd.

 

 UcidMedia/Hargaysa