Xukuumadda Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Wali Isla Murugsan Iyo Ergooyin Ku Sii Jeeda Qancintiisa Oo Loodin Kari La’ Go’aanka Uu Qaatay

kulmiye

Nov 6,2013 Hargaysa(SM)-Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wasiir Samaale ayaa kala taagan laba jiho oo aan illaa hada maaro loo helin kadib markii Madaxweyne Siilaanyo iyo Beeshiisa oo is-xambaarsani doraad usoo jeediyeen Wasiir Samaale in uu ka tanaasulo Loolanka uu kula tartamayo Muuse Biixi Guddoomiyanimada Xisbiga Kulmiye.

Xurgufta siyaasadeed ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Samaale ka dhex dhalatay ee ku saabsan soo jeedinta ah in uu ka tanaasulo musharaxnimada ayaan saldhigin waxaanay ahayd mid baaxaa dagaysay shalay ilaa xalay, iyadoo wararkii ugu danbeeyey ee arrintan la xidhiidhay sheegayaan in Samaale wali ku adkaysanayo in uu Iska casilo Xilka Wasiir-nimo balse aan la ogayn in uu ka hadhi doono tartanka iyo inkale, halka Madaxweyne Siilaanyo illaa hada ka Ergeynayo badheedhaha Samaale.

Wasiiro, Odayaal, Xildhibaano iyo dad kala duwan ayaa Samaale iyo Madaxweyne Siilaanyo isaga dab qaadayey illaa shalay waxaana dhacay  dhawr kulan oo meelo kala duwan lagu qabtay hase yeeshee midkoodna wax midho dhal ah lagama gaadhin.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,  siyaasiyiin ka soo jeeda Beeshiisa iyo qaar ka mid ah Madax dhaqameedkooda ayaa toddobaadkan ugu danbeeyey ku mashquulsanaa shirar doceedyo ay kaga tashanayeen loolanka Xisbiga Kulmiye ee Garabyada ka dhigay Xukuumadda, taasoo ka cadhaysiisay wasiir Samaale.

Kulamada Beesha Siilaanyo ay ka gorfaynaysay xaaladda taagan ayaa waxa uga muuqday in ay hogaaminta talada Dalka ee ay gacanta ku hayaan halis ku jirto oo ay u taagan tahay laba mid daran dooro, oo ah waxa kaga soo bixi doona loolanka Samaale iyo Muuse Biixi haddii uu sii socdo, iyo haddii ay kala reebaan waxa kaga soo bixi doona.

Beesha Madaxweyne Siilaanyo oo xiligan u muuqata in cabsi weyni kaga soo fool leedahay doorashada Madaxtinimada ee soo socota ayaa iyaga oo ka ordaya duufaanada mucaarad ee kaga soo burqanaya Labad xisbi mucaarad waxa ay naruuro moodeen in beesha ay isku cindan yihiin ee Sacad Muuse eek u Loolamaysa xisbigoodu aanu dan u ahayn ee ay mideeyaan iyagoo fursad u arkay samaale in ay ku qanciyaan in uu Muuse Biixi uga hadho, isla markaana ku eekaado wasiirkiisa maaliyadda.

Wasiiro, Xildhibaano, Guurti iyo Madaxweynuhuba waxay isku raaceen in samaale la qanciyo hase yeeshee talaabadaas waxa ay kala kulmeen diidmo kaga timi dhinaca Samaale oo xiligan u arkay in Lugta loo qabtay Muuse Biixi oo uu Loolan adag muddo kula soo jiray isla markaana guulo badan ka soo hooyay mudadii qaban qaabada Shirweynaha Xisbigu socday.

Sidoo kale, samaale waxa ay xalay qasriga Madaxtooyadda ku kulmeen Madaxweyne Siilaanyo kadib markii ay Ergadii beeshiisa ahayd ka soo quusatay, waxaanay is weydaarsadeen doodii hore loola tagay samaale ee Siilaanyo faray beeshiisa ee ahayd in uu ka tanaasulo, hadana si la mid ah sidii hore ayuu Samaale uga gaws qabsaday in uu xiligan aqbalo soo jeedinta Madaxweynaha.

Shalay  waxa kulan hiirtii Waaberi isugu yimi Hotel Lake Asal Wasiirada Samaale ku taageersan musharaxnimadiisa waxaanay ka wada tashadeen qaabkii ay u waajihi lahaayeen codsiga Madaxweynaha iyo dagaalka kaga furan Xisbiga maadaama Madaxweynuhu u soo diray sidii ay Samaale u qancin lahaayeen hase yeeshee ilo wareedyo muhiim ah ayaa Waaheen u sheegay wasiiraddu in ay Madaxweynaha ula tageen Doodii Samaale ee ahayd in aanu ka tanaasulayn haddii kale uu xukuumadda ka bixi doono.

Kulan dheer oo Madaxweynaha iyo Wasiiraddu wada qaateen kadib waxa loo balamay kulan danbe oo shalay ama xalay midkood dhici lahaa kaasoo lagu sii gorfayn lahaa xaalada Mugdiga badani ka muuqato ee ay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye galeen.

Wasiir Samaale ayaan illaa hada Saxaafadda la hadal, waxaana yaraaday wararka laga helayo kulamada arrintan oo u muuqda in ay marayaan meel xaasaasi ah iyadoo isha lagu hayo saacadaha soo socda halka ay natiijaddu ku danbayn doonto.

Si kasta ha ahaatee talada Beesha Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo debecsanaantiisa ayaa ku soo beegmay xilli Loolanka Muuse Biixi iyo Samaale marayey meel gabogabo ah, waxaanay xaaladdu ku sii siqaysaa in ay sii cakirmayso.

Salaanmedia Hargaysa Office

source waaheen