Daawo Sawiro:Foosiya Yuusuf X Aadan oo kulan la yeelatay Safiirka Masar ee Somaliya iyo Qunsulka Safaarada (SAWIRRO)

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Mohmoud M. Auf Safiirka cusub ee Masar u soo magacowday Soomaaliya.

Danjire Mohmoud M. Auf Safiirka, ayaa waxaa kulankaan ku wehlinayay Qunsulka Safaarada Masar Hamza Darwish.

Kulankani, ayaa waxaa looga hadlay xoojinta Xiriirka taariikhiga ah ee dhinacyada badan leh ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo sare u qaadida heerarka kala duwan ee tababarada saraakiisha amniga , diblomaasiyiinta iyo Warbaahinta.

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam oo kulanka ka hadashay ayaa ka sheekeysay horumarka baaxadda leh ee uu gaaray xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo tilmaamtay muhiimadda ay leedahay dib u dhisidda iyo shaqa-gelinta goobihii waxbarasho ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay gaar ahaan dugsiyadda Jamal Abdinasir, Sheikh Sufi iyo kuwa kale.

H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay muujisay rajada dowladda Soomaaliya ay ka qabto iskaashi xoogan oo wadaag ah oo ay la sameyso dowladda Masar oo la xidhiidha dhinacyada beeraha iyo kaluumeysiga.

Kulankani oo ku dhamaaday jawi is afgarad leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Abdi Dirshe.

Salaanmedia/Hargaysa