War-saxaafadeed: Xisbiga UCID Oo Cambaareeyay Talaabada Boolisku Kula Wareegay Xarunta Wargeyska Hubaal

(SM-Hargeysa) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa cambaareeyay talaabada ciidamada boolisku kula wareegeen xarunta Wargeyska Hubaal, waxayna sheegeen in talaabadani markhaati u tahay inaan xukuumaddu sharciga ku dhaqmayn.

War-saxaafadeed uu Caawa soo saaray, Xoghayaha Arimaha Bulshada Ee Xisbiga UCID, C/raxmaan Axmed Cali, ayaa lagu yidhi “Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid Waxaa Uu Si,aan La Soo Koobi Karin U Canbaareynayaa Falkii Badheedhka,Awood Sheegashada iyo Indhala,aanta isla Markaana Markhaatiga U ahaa In Aan Xukuumada Maanta Talada Haysaa Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka Midna Ixtiraameyn

Iyada Oo Waliba Adeeg Saneysa Ciidamadii Loogu Tala galey In Cadawga Iyo Argagixisada Ay Ka Hortagaan

Falkaas Oo Ahaa mid Soo Noqdey Marlabaad Oo Awood Ciidan Lagula Wareegey Xarunta Wargeyska Hubaal Sifo Sharci Daro Ah,Sidoo Kalena Xidhey Laba Wariye Oo Ku Sugnaa Xarunta Wargeyska Hubaal

Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Cod Dheer Ku Canbaareynayaa Falkaa Foosha Xun Ee Baal Marsan Dhamaan Shuruucda Dalka Somaliland Oo Imika Xukuumada Talada Haysaa Caadeysatey

Sidaa Daraadeed Waan In Xukuumadu Si Deg Deg Ah Xoriyadoodii U Soo Celisaa Labada Wariye Ee Sifaha Xaaraanta Ah Ku Xidhan Isla Markaana Faraha Ka Qaadaan Xarunta Wargeyska Hubaal,

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Waa Uu Ka Tashan Doonaa Dhacdooyinkan Soo Noq Noqonaya Ee Ka Hor Imanaya Xeerarka Dalka,Waxaana Uu Ka Soo Saari Doonaa Go,aan”

Salaanmedia/Hargaysa