Al-Shabaab Oo Bog Cusub Ka Furatay Twitter-Ka ,Ka Dib Markii Laga Xidhay Bog Ay Shabakadaasi Ku Lahaayeen

(SM:Muqdisho) Sarkaal u hadlay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegay inay dib u furteen khaanaddii ay Twitter-ka ku lahaayeen ka dib laba bilood markii dhowr jeer laga xidhay khaanado ay ka furteen shabakaddan ay dadweynuhu ku xidhiidhaa

Afhayeenka u hadlay Al-shabaab ayaa Isniintii u sheegay Al-Jazeera TV in boggooda cusub oo lagu magacaabo @HSM_INFO ay ku baahin doonaan wararka ku saabsan dagaallada ay Soomaaliya ka wadaan.

 

 

“Ujeeddada aan boggan cusub u furannay waa inaan ku baahinno wararkeenna ku saabsan jihaadka aan ka wadno Soomaaliya, kuwaas oo ay reer galbeedku aadu dhibsadeen si ay u qariyaan wararka aan baahinayno,” ayuu sarkaalku u sheegay Al-Jazeera

 

 

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo la hadlay Al-jazeera TV ayaa sheegay in xukuumaddu ay dalbanayso in la xidho khaanadda ay Al-shabaab ka sameysatay Twitter-ka.

 

 

“Dadkan kuwan oo kale ah uma ogolaanayno inay mar kale u istaagaan inay dhallinyarada Soomaaliyeed marin-habaabiyaan. Waana in la xidho,” ayuu Inj. Yariisow ku sheegay wareysiga uu siiyay telefishinka Al-jazeera.

Salaanmedia/Hargaysa