Abaal-marintii 2aad oo la gudoonsiiyay wariye Abdihafid iyo barnaamijkiisa Arrimaha Bulshada.

 2

Barnaamijka Arrimaha Bulshada ee ka baxa TVga Universal oo noqday barnaamij si is-daba joog ah u hela abaal-marino kala gedisan oo ay dhiibaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa magaalada London ka dhacday xafladda sanadlaha ah ee ay soo qaban-qaabiyeen ururka HAAYA oo lagu qabtay galbeedka magaalada London. 

 1
Waxaa xafladda ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti-sharaf ka timid bahda warbaahinta, fanaaniinta, hooyooyinka, ganacsatada, waalidiinta, ururo iyo dad magac ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood la gudoonsiiyay abaal-marino ku aadan howsha ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan. 
 
Waxaa xusid mudan in barnaamijka Arrimaha Bulshada oo ah barnaamij ay ku xiran yihiin malaayiin qof oo Soomaali ah oo kala jooga adduunka dacaladiisa oo idil, inuu barnaamijkaas helay codeyn buuxda oo ku aadan in la siiyo abaal-marin la xiriirta howsha TVga Universal iyo bahda barnaamijku u hayaan bulshada Soomaaliyeed qaas ahaan wariye Abdihafid Mohamud Jama. 
 
Waxaa hal mara la dareemay sacab iyo soo dhaweyn balaaran markii lagu dhawaaqay magaca barnaamijka Arrimaha Bulshada oo loo yeeray wariye Abdihafid Mohamud Jama, kadibna laga codsaday inuu aqbalo abaal-marinta ay u garteen dadka Soomaaliyeed khaas ahaan soo abaa-bulayaasha xafladda ee ururka HAAYA oo iyagu marti galiyay xafladda. 
 
Barnaamijka Arrimaha Bulshada ayaa wuxuu bilawday bishii July ee sanadkii 2009kii, waana barnaamij todobaadle ah oo  illaa iyo imminkana socda ama ka baxa TVga Universal. Waxaa mar weliba barnaamijka Arrimaha Bulshada lagu soo qaataa mowduucyo kala gedisan oo ku saabsan nolosha bulshada Soomaaliyeed meel weliba oo ay adduunka ka joogaan. 
 
Wuxuu barnaamijka Arrimaha Bulshada uu ku caan-baxay marti-gelinta barnaamijyo diini ah oo si qaas ahaaneed ay uga soo qeyb-galaan qaar ka mid ah culumada ugu waaweyn ama ugu caansan dalka Soomaaliya. Waxa ay tani dhalisay in barnaamijku uu helo taageero baaxad weyn leh taas oo kaga immaaneysay dhinacyada qoysaska Soomaaliyeed, oo iyagu u arkay in barnaamijka Arrimaha Bulshada yahay mid u wanaagsan dhisitaanka xiriirka u dhaxeeya caruurta iyo waalidiintooda iyo sidoo kale mid buuxinaya ama ka haqab-tiraya baahidooda. 
 
Waxaa marweliba xusuus mudan in barnaamijka Arrimaha Bulshada uu qeyb weyn ka qaatay arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya qaas ahaan dhinacyada la xiriira bulshada oo uu barnaamijku fursad u siiyay daawadayaasha inay fikirkooda ama fariintooda ka dhiibtaan hadba marxaladda ama xaaladda ay bulshadu wajaheyso.
 
Barnaamijku wuxuu sidoo kale marti-galiyay barnaamijyo gaar ah oo loogaga hadlay xiriirka ka dhaxeyn kara dadka naafada ah iyo qeybaha kale ee bulshada oo si gaar ahaaneed loogu xusay dadka indhoolayaasha ah ama dhagoolayaasha ah. Waxayna barnaamijyada naafaddu ay horu-dhac u yihiin barnaamijyo kale oo lagu soo qaadan doono barnaamijka Arrimaha Bulshada.
 
Sanadihii uu jiray barnaamijka Arrimaha Bulshada ayaa waxaa u suurta-gashay inuu xiriir dhaw uu la yeesho dowladda Ingiriiska, ciidamada amniga, dowladdaha hoose, goobaha wax-barashada, caafimaadka iyo weliba xabsiyadda ay ku xiran yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed ee jooga UK. 
 
Bahda barnaamijka Arrimaha Bulshada ayay si gaar ah ugu suurta-gashay inay galaan gudaha dhismayaasha xabsiyadda ay ku xiran yihiin dadka la xiro oo ay Soomaalida ku nool UK ka mid yihiin. Waxaa barnaamijkaas lagu booqday gudaha qololka, xafiisyada, goobaha cuntada ama suuliyaasha/musqulaha ay isticmaalaan dadka ku xiran xabsiyadda, si fikir guud looga siiyo dadka Soomaaliyeed qaas ahaan waalidiinta inay arkaan ama oggaadaan goobaha ama meelaha caruurtooda lagu xiro iyo weliba nidaamka la mariyo marka qofka la xirayo.
 
Wuxuuna barnaamijku suurta galiyay barnaamijyo gaar ah oo lagu qabtay xarumaha dowladda hoose ee deegaanka Ealing oo looga tashanayay badbaadinta caruurta Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan dowladdaha hoose ee Ingiriiska, caruurtaas oo laga qaatay waalidiin Soomaaliyeed. Waxa ayna caruurtaasi halis ugu jiraan inay lumiyaan diintooda Islaamka, afka Soomaaliga iyo guud ahaan dhaqanka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed. 
 
Waxa ayna barnaamijyadii qaaska aheyd ee bahda barnaamijka Arrimaha Bulshada qabteen ay ku guuleysteen in 20 ka mid ah 25 caruur oo ay heysay dowladda hoose ee degmada Ealing, ay hadda la joogaan qoysas Soomaali ah oo si toos ah ula wareegay mas’uuliyadda caruurtaas Soomaalida ah. Waxa ayna aheyd waxyaabaha la xusi karo ee bahda barnaamijka Arrimaha bulshadu ku guuleysteen tan iyo markii la bilaabay barnaamijka ee sanadkii 2009kii.
 
Waxaana xusid mudan inay aheyd abaal-marintii labaad ee ay ururka HAAYA codeyn ay sameeyeen ku oggaadeen in barnaamijka Arrimaha Bulshada uu mar labaad yahay barnaamij ku guuleystay abaal-marinta sanadka 2013ka, iyadoo abaal-marintii koowaadna uu barnaamijku ku guuleystay sanadkii 2010kii. Waxa ayna taasi dhiiri-gelin buuxda siisay bahda barnaamijka Arrimaha Bulshada oo si weyn kaga mahad celiyay abaal-marinta.
 
Ugu danbeyntii wariye Abdihafid Mohamud Jama ayaa goobta lagu gudoonsiiyay abaal-marinta wuxuu kaga mahad celiyay Illaahay Subxaana Watacaalaah, dhammaan shaqaalaha iyo maamulka TVga Universal qaas ahaan bahda barnaamijka Arrimaha Bulshada, qoyskiisa oo iyaguna garab weyn ku siiyay iyo weliba guud ahaan daawadayaasha ku xiran barnaamijka oo la’aantood uusan suurta-gali laheyn. 
 
Wuxuuna wariye Abdihafid ku cel-celiyay in mar weliba barnaamijka Arrimaha Bulshada uu ahaan doono mid u shaqeeya danta guud, kana shaqeeya danta guud, una shaqeyn doona mar weliba danta guud ee dadka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan, Insha’Allah. 
 
Qoraa/Wariye Axmed Ibrahim