Afar nin oo Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Bor ee dalka South Sudan

image

 

Kooxaha mucaaradka ee dalka Koonfurta Suudaan, ayaa waxay dil kula kaceen dad Afrikaan ah, oo ay ku jiraan ilaa afar nin oo Soomaali ahayd.

Xilli ay dooni ka raaceen Magaalada Bor, kuna sii jeedeen Magaalada Jubba ee Xarunta Wadankaasi, ayaa waxaa weerartay rag hubeysan oo ka tirsan Xoogaga Fallaagada.

Weerarkaan oo dhacay maalinimadii Arbacada, ayaa waxaa doonida la socday ilaa 26 ruux, oo u kala dhashay Waqooyiga Suudaan, Soomaaliya, Itoobiya, Uganda, Ghana iyo dalal kale.

Ilaa shan nin oo Soomaali ah oo doonidaan saarnaa, ayaa waxaa dhaawac ahaan kaga badbaaday Maxamed Duube Caliyow. Sidoo kale waxaa weerarkaan ka badbaaday 13 ruux, oo dadkii doonida la socday ahaa.

Maxamed Duube Caliyow oo la hadlay Idaacada Bar Kulan, ayaa wuxuu sheegay in Xoogaga Fallaagada ay dooni ka soo daba qaateen, markii ay isaga soo amba bexeen Magaalada Bor.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Xoogaga Fallaagada ay xoog ku soo fuuleen doonidii ay la socdeen, laakiin uu isagu isku daray dadkii u geeriyooday, rasaastii ay furayn. Sidaana uu mucaaradka kaga badbaaday.

Dagaalada sokeeye ee ka soconaaya dalka Koonfurta Suudaan, ayaa waxaa muuqaneyso waxyeelada ballaaran ee ka soo gaareyso, ganacsatada maalgelinta ku sameysay dalkaasi.

 

Salaanmedia/Mogdisho