Al Shabaab Oo Sheegtay In Ay Fara Gelin Ku Sameysay Beelaha Ku Dagalaamaaya Shabeellaha Hoose

Al Shabaab Oo Sheegtay In Ay Fara Gelin Ku Sameysay Beelaha Ku Dagalaamaaya Shabeellaha Hoose

index

Dec 19,2013 Muqdisho(SM)-Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu maanta daboolka ka qaaday in ay xabad joojin kala dhex dhigeen labada beelood, ee toddobaadkaanba ku dagaalamaayay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waaliga Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu sheegay in labada beelood ay gogol nabadeed u dhigeen Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu xusay in gogoshaasi ay ka soo qayb galeen Odayaal ka kala socda labada beelo, isla-markaana ay qaateen in ay nabadda ka shaqeeyaan, kana taggaan dagaalada.

Mar uu ka hadlaayay qoddobda lagu heshiiyay, ayaa wuxuu ku sheegay in ay seddex yihiin, balse wuxuu ka xusay in xabad joojin oo la sameeyo iyo in labada Ciidan, la kala qaado.

Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu ku eedeeyay Dowladda iyo Amisom, in ay indhaha uun ka daawanayeen labada beelood ee wada dagaalamay, xilli uu dagaalkoodu sheegay in uu saamayn ku yeeshay Gobolka oo dhan.

Salaanmedia Muqdisho