“Biyihii Aad Sugeyseen Way Socotaa In Qasabadihii La Soo Galiyo Wajaale” Wasiir Xirsi

Wasiir-xirsi

Hargeysa (SM) – Dadwaynaha reer Wajaale, ayaa maanta si weyn u soo dhaweeyay weftigii Madaxwaynaha Somaliland ee xalay nagaadi ku ahaa Magaalada Gabiley oo ay ku dhexeen ayaa shalay galinkii hore gaadhay Wajaale.

Dadwaynaha ayaa waxa khudbado u jeediyay Madaxwaynaha Somaliland iyo Masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo u balan-qaaday in xukuumaddu sida ugu dhakhsaha badan Magaalada biyo galin uga samayn doonto.

Wasiirka Madaxtooyadu, wuxuu sheegay inay aad uga xun yihiin in aanay Magaalada Wajaale wadooyinkii loo dhisayey u dhamaystirnayn, balse ay xukuumad ahaan biyo galin ka samaynayaan isla-markaana bisha koowaad ee sanadka cusub ay dhamayn doonto wadada laamiyada ah ee isku xidhaysa Wajaale iyo Kalabaydh.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Walaalayaal aad baan uga xunahay waxay aheyd inaanu maanta nimaadno Tog-wajaale oo wadooyinkii sameysan yihiin, laakiin waxaanu balanqaadeynaa in bisha soo socota ee February ay waddadii soo gaadheyso Wajaale”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Biyihii aad sugeyseen in qasabadihii la soo galiyo insha Allah way socdaan, waana lasoo galinayaa waana la wadaa hawshaasi” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo la hadlaya dhalinyarada Wajaale ee soo dhaweysay Weftiga Madaxwaynaha “Garoonkiina sida ugu dhakhsaha badan ayaa loo dhisayaa, waxaan leeyahey Xaashiyow (Guddoomiyaha Wajaale) waxaan ka baqayaa in ay waddada weyn ee la wadaa idinka soo horeyso, idinkoo aan dhameyn tii gudaha Magaalada Wajaale”

Wasiir Xirsi, waxa uu reer Wajaale u soo jeediyey inay ka qayb-qaataan dhismaha Waddooyinka dalka “Walaalayaal waxaan eegaa Lambarka ZAAD-ka ee lagu shubo horumarinta Waddooyinka, reer Wajaale wey ku yar yihiin, markaa waxaan idinku boorinayaa inaad ka qeyb qaadataan”ayuu yidhi.

Salaanmedia/Hargeysa