Booliiska Uganda oo ka digay weeraro argagixiso oo ka dhaca dalkaasi

newslogo2

Booliiska dalka Uganda, ayaa soo saaray digniino dhanka ammaanka ah oo ku aadan dalkaasi, kadib markii sida ay sheegeen ay heleen warbixino ku saabsan ammaanka dalkaasi.

Booliska ayaa la sheegay in maqribnimadii Axada ay heleen warbixintaasi oo ku aadan inay jiraan dad qorsheynaya weeraro argagixiso ah oo la qorsheynayo in laga geysto magaalada Kampala, sida lagu sheegay warbixinta booliska ay siidaayeen gelinkii dambe ee shalay.

Judith Nabakoba, Afhayeenka ciidamada Booliska ee dalka Uganda ayaa tilmaamay in xogta ku aadan weeraro laga fulin rabo dalka Uganda ay heleen, kadib markii ay sameeyeen baaritaano dheeri ah oo dhanka ammaanka ku saabsan.

“Qorshaha waxaa ku lug leh koox dooneysa inay gubto xarumaha shidaalka iyo dhismooyinka magaalada, gaar ahaan goobaha ganacsiga”Sidaasi ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Booliska dalkaasi.

Ciidamada ammaanka dalka Uganda, ayaa adkeeyay ammaanka dalkaasi waxaana ay wadaan baadhitaano ku aadan dhanka amniga, xilli dalka Uganda dhowr mar looga digay weeraro ka dhaca dalkaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa weerar culus waxa ay ka geysteen 21-Septembar dalka Kenya, gaar ahaan suuqa Ganacsiga Westgate, halkaasi oo ay ku dileen 67-ruux inka badan 200 oo ruuxna ay ku dhaawaceen.

Digniinta ay soo saareen Booliiska Uganda, ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere uu digniin adag ujeediyay Dowladaha ciidanka ay ka joogaan Soomaaliya oo uu sheegay in ciidankooda ay kala baxaan Soomaaliya hadii kale sida Kenya oo kale ay ubarooran doonaan.

Salaanmedia/Ugandha