Canbaarayn:Gudoomiyaha Xisbiga UCID UK..Falkii maanta xukumadu kaga hor istaagtey in murasharaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Ali Hussein iyo waftigii la socdey galaan magaalada Gabiley.

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka                                                                                                           UCID                                                                                                                                                                                 Justice and Welfare Party     

Ku:  Dhamaan saxaafada madaxa banaan

Canbaarayn aad u xoogan oo ku saabsan diidmada maanta xukumadu kaga hor istaagtey in  murasharaxa  madaxweynaha Xisbiga UCID  Jamaal Ali Hussein iyo waftigii la socdey galaan magaalada Gabiley.

Mar kale aniga oo ku hadlaaya afka  xisbiga cadaalada iyo Daryeelka, laanta UK waxaan war-saxaafadeedka u marina oo ku canbaareynaya COD DHEER xukuumada gaar ahaan madaxtooyada amarku ka soo baxay iyo ciidamada amaanka oo u dhaqmaaya waayadan danbe sidii guurwadayaashii siyaad Bare.

Waxaan shacabka reer somaaliland leeyahay Siilaayo iyo xukunkiisu waa kaa, wada tashi diid, dood qaran diid, inuu wax maqlo diid, inuu dalka iyo dadka sifiican ugu shaqeeyo diid, dhalinyarada Berbera ku banaanbaysa inuu dhegaysto diid, dagaalka lagu soo qaadey Somaliland inuu wax ka yidhaa daa waxuu ka qabtoo diid, inuu wasiiradiisa hantida umada daldalanaysa wax ka dhaho diid, inuu diwaangalintii qabto diid, inuu xisbiyada qaran iyo warbaahinta hagardaamada ka daayo diid, in kolba meel ka horjoogsigooda daayo diid, inuu waxay kuwii hore eedeen iska daayo diid.

Sidaan horeyba u idhi koley xukuumadani waa fadeexad kunaax oo iyadaa degta ku sidata xadhigii lagu deldelilahaa sidii doqontiiye, hadana waxaan markale xasuusinaynaa inay u dhaqanto masuul oo ay ka weynaayo dhaqanka qayrulmasuulka ah ee ay caadeysatey. Shacabkana waxaan farayaa gaar ahaan taageerayaasha UCID inay cod dheer ku muujiyaan diimada cagajugleynta iyo kelitalisnimada ay xukuumadani cadeysatey, taageeraana xisbiga.

Bal qaydhin madaayo nina caado ma baajo

Allaa Mahadleh

Mohamed Jama Koodbuur (Shiine)

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee UK