Ciidanka RRU-Da Oo Isku Xeeray Xarunta Xisbiga UCID Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga UCID U Gaystey Jidh Dil Isla Markaana Rafacay Sameecado Ku Rakibnaa Xarunta UCID:-

newsflash1

Ciidanka RRU-da Oo Isku Xeeray Xarunta Xisbiga UCID Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga UCID U Gaystey Jidh Dil Isla Markaana Rafacay Sameecado Ku Rakibnaa Xarunta UCID:-

Published On Tuesday, December 10, 2013

rru_12Hargeysa(SM) Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland C/raxmaan Fooxle oo hor-boodaya Ciidanka RRU-da ayaa saaka ku waaberiistay xarunta guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaanay Rafaceen Sameecado hor yaalay xaruntaas oo loogu talogalay in ay masuuliyiinta Xisbigu kula hadlaan taageerayaashooda.

Sarkaalka ugu sareeya Hawl-gelinta Ciidanka Booliiska iyo madaxda kale eek a hoosaysa Taliye Fooxle ayaa barxada Xarunta dhooban, halka RRU-du-na ka dul gaaf-wareegaysan Xarunta iyo agagaarkeeda.

Muran iyo dood ayaa dhex martay Masuuliyiinta UCID ee xarunta ku sugnayd iyo saraakiisha Booliiska, taasoo sababtay in qaar ka mid ah madaxdii goobta ku sugnayd Booliisaku u gacan qaadaan oo qaarkood dhaawac soo gaadhay sida Xoghayaha Ciyaaraha Ee Xisbiga UCID Mudane Maxamuud Cali Madoobe(Jiir) iyaga oo si arxandaro ah u jidh diley halka ay Afar kalena xabsiga u taxaabeen.

Madaxda UCID ayaa dib u istaadhatay Sameecadihii waxana ka baxaya xarunta Xisbiga Heeso lagu sugayo inta ay taageerayaashoodu isku soo baxayaan, waxaanad moodaa in goor dhaw la isugu iman doono xarunta guud si looga hadlo maadaama Xukuumaddu diiday mudaharaadkii ay dalbadeen.

Wixii wara ee ka soo kordha lasoco Dhawaan.

Salaanmedia/Hargaysa

Ucid media