C/raxmaan Faroole oo maanta magacaabay Guddiga Xalinta Khilaafaadka “SAWIRRO”

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud “Faroole”, ayaa wuxuu maanta magacaabay Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Guddigaan, ayaa waxa uu ka kooban yahay sideed xubnood, kuwaa oo uu Madaxweynuhu u wakiishay in ay garwadeen ka noqdaan arrinta ku aadan soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Puntland.

Agaasimaha Madaxtooyada ee Puntland Axmed Ceydiid, ayaa waxa uu Saxaafada u akhriyay Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka, oo uu Madaxweyne Faroole ku soo magacaabay Digreeto.

Magacyada Guddiga Xalinta Khilaafaadka

1:Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye
2:Cismaan Guureeya Kaarshe Xubin
3:Egn.Maxamuud Axmed Xasan Xubin
4:Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) Xubin.
5:Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin.
6:Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) Xubin.
7:Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) Xubin
8:Maxamed Cabdiqaadir Cismaan Xoghayn.

Madaxweyne Faroole oo Saxaafada kula hadlay Madaxtooyada Garoowe, ayaa wuxuu difaacay tallaabada uu ku soo magacaabay Xubnaha Guddiga Xalinta ee Khilaafaadka.

Madaxweynaha, ayaa wax Sharci ah ku tilmaamay in uu soo magacaabi karo Guddigaan. Isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalada ka soo yeeraaya Musharixiinta Madaxtinimada ee Puntland.

Musharixiinta, ayaa waxay horey uga sii diggeen in Madaxweynaha Puntland uu soo magacaabo Guddiga Xalinta Khilaafaadka. Haddii uu isagu kamid tahay Musharixiinta u taagan Jagada Madaxtinimada ee Maamulka Puntland.

Salaanmedia/Mogdisho