Daawo Labada Xisbi mucaarid ee UCID IYO WADDANI oo xaflad ku qabsaday Bristol UK.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Munaasibad balaadhan  oo ay wada qabteen laba xisbig qaran ee mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani, ayaa waxay ka dhacday magalaada bristol habeenkii xalay, halkaas oo ay laba xisbi ee Ucid iyo Wadani ay ka hadleen arimo xaasi ah oo ka taagan dalka jamuuriyada somaliland oo ay ka mid tahay dooda qaran ee ay qaban doonaan xisbiyada qaranku, waxay dhaliilo u soo jeediyaan xukuumada Somaliland oo ay sheegeen in ay faro galin xun ku hayso xisbiyada qaranka iyo dhamaan saxaafada madaxa banaan ,

 

 

Hadaba waxa munaasibadan xalay ka soo qayb galay, madaxda laamaha labada xisbig qaran ee magaalda bristol, waxa lagu soo dhaweeyey microphone ka xidhiidhiyaha laanta bristol ee wadani maxamed carab waxaanu sheegay in uu dalku marayo marxalad adag oo loo baahan yahay in ay xukuumada yeelato dhago ay wax ku maqasho oo ay ka fakirto sidii dalka loo hor marin lahaa waayo waxaynu leenahay cadow badan taas oo ka faaiidaysan kara daldalooyinka ka jira xukuumada, waxana taas kaga bixi karnaa in la taageero dooda qaran ee xisibiyadu doonayana in la qabto.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

isla ka dib waxa microphone lagu soo dhaweeyay xogayahay Ucid ee laanta bristol Mudane Cabdiqaadir maxamed cukaarshe, waxa uu dhaliilo u soo jeediyay xukuumada uu horkacayo, madaxweyne siilanyo taas oo uu sheegay in dalkii uu ku riday god madow maantana uu maraayo meel aad u xun, waxaanu u afka ku dhuftay sarkaalkani in ay marayso meel macal madaxdi qaranka laga celiyo magaalooyinka sidii mooryaantoo kale. waxaana lagu soo dhaweeyay microphoneka siciid cabdilaahi ducaale oo ah aqoonyahan dagan magaalada bristol waxaanu sheegay in systemka ay dawladu ku shaqayso  ay tahay mid aad u liita, loona baahan yahay in wax badan laga badalo. waxaa sidoo kale halkaa  ka hadashay marwo shamis baaruud yuusuf oo ka midaa xisbiga Ucid waxay ku dheeraatay in dalku u baahan yahay is badal hor leh isla markaasna dawladu looga baahan yahay dulqaad badan  yeelato si ay muhiimada saari lahayd ilaalinta amniga iyo xoojinta nabad galyada wadanka.
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
hada munaasibadan oo ay aad isku garabsadeen labada xisbi mucaarid Ucid iyo Wadani ayaa muuqata in ay ka soo horjeedaan sida ay xukuumada somaliland u maamulayso dalka waxayna dhaliilo hor leh u soo jeediyeen xukuumada somaliland iyagoo aad uga cadhaysnaa faro galinta ay xukuumada ku wado barlamaanta jamuuriyada somaliland oo ah qodobka ugu weyn ee ay ka hadleen dhamaan masuuliyiinta labada xisbi, hadaba munaasibadan ayaa waxay laba xisbi cod isku midaa ku idhaahdeen enough is enough waxay sheegan in shacabka somaliland taageeraaan  shirka qaran ee ay xisbiyadu wadaan.
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
Waddani Media/UK