Daawo Sawirada Aroos ay ku baxdey lacag Sideetan milyan oo dollar –

Bilyaneerka ugu qanisan dalka Hindiya ayaa arooska wiil uu adeer u yahay ku bixiyay aduun lacageed oo dhan sideetan milyan oo Dollar.

Waxaana arooskaas oo marti sharaf tiradooda lagu qiyaasay shan boqol oo qof ka soo qayb galeen, ka adeegayay diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka oo lagu badalay gaadiidka caadiga ah.

Bilyaneerka reer Hindiya ee caanka ku ah ganacsiga iyo warshadaha birta soo saara ee dalkaas, Lakshmi Mittal, ayaa wiil uu adeer UYahay ugu guuriyay, Magaalada caanka ku ah ciyaaraha iyo dhaqanka dalka Spain ee Barcelona, waxaanu ku bixiyay arooskaas Lacagtii ugu badnayd dunida ee la xasuusan yahay ama aroos ku baxda, taas oo lagu tilmaamay mid rikoodhka jabisay.

 

u_118829d_2013-12-17-6-24-33f_AR1u_118829d_2013-12-17-6-24-48f_AR3u_118829d_2013-12-17-6-25-0f_AR4u_118829d_2013-12-17-6-25-21f_AR6 u_118829d_2013-12-17-6-25-33f_AR7u_118829d_2013-12-17-6-25-46f_AR8u_118829d_2013-12-17-6-25-58f_AR9