Daawo Sawiro..Casho sharaf lagu soo dhaweynaayey Mayor kuxigeenka Caasimadda Hargaysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo ka dhacaday London.

2

Moyer kuxigeenka caasimada Hargaysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) ayaa qaar ka mid ah jaaliyada reer Somaliland ee Ingiriisku ay ku maamuseen casho sharaf ka dhacday Galbeedka London,Kulanka oo ahaa mid is  waraysi iyo soo dhaweyn ah ayey qaar ka mid ah dadkii casho sharafta kasoo qayb galay aad ugu mahad celiyeen Maayer kuxigeenka iyo hawlaha ay ka wadaan caasimada Somaliland aadna ugu dhiiri galiyeen inuu hawlaha sii laban- laabo si ay caasimadu horumar la taaban karo u sameyso.Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo isna hadalo kooban kulanka soo jeediyey ayaa aad ugu mahadceliyey casho sharaftan qaaliga ah guud ahaan cashabka reer Somaliland guud ahaan.

6

Waxa Mayor kuxigeenku uu warbixin guud kaga waramay xaalada guud ee dalka gaar ahaa Caasimada iyo hawlaha ha socda,waxa uuna sheegay in ay hawlo badan oo qaybo ah qabteen siina wadayaan hawlaha naloo doortay waxa uuna uuna kula taliyey qurba-jooga reer Somaliland in idinkuna hadaad tihiin jaaliyada dibada in aad kaalmo ka geysataan dalka.

Salaanmedia/London

1  3 4 5  7 8 9 10 11

Salaanmedia/London