DAAWO SAWIRO HOGAAMIYAHA WAGOOYIGA KUURIYA OO DALDALAY ADEERKII

Adeerkii Hogaamiyaha Waqooyiga Kuriya Kim Jong-un ayaa xalay saqdii dhexe la dal dalay, kadib marki lagu helay khiyaano qaran, iyo inuu doonayay inuu rido Hogaamiyaha sida ay sheegtay Telefishinta Qaranka dalkaas.

 

 

 

Chang Song-thaek ayaa Khamiistii Maxkamada milateri ku xukuntay in si dhaqse leh loo dal dalo, kadib markii ay ku cadaatay dambi ah inuu doonayay inuu xukunta ka tuuro wiilka uu adeerka u ahaa.

Wakaalada wararka ee KCNA ayaa sheegay in Mr Chang uu doonayay inuu ka faa’ideysto xiliga kala guurka, isla markaana meesha ka saaro wiilka uu adeerka u ahaa, xilligii uu dhintay aabihii Kim Jong-il, isla markaana sheegay inuu eeyga ka xun yahy.

 

Waxaa uu qirtay inuu ku xadgubadaya jagooyinka mas’uuliyada, isla markaana abuurayay koox ka dhan ah dowladda.

Hogaamiyaha keli taliska Waqooyiga Kuuriya ayaa lagu eedeeyay inuu u dhaqmayo sida xayawaankii, isla markaana dalka geliyay xaalad adag, tan iyo markii uu qabtay jagada uu aabihii ka geeriyooday.

 

 

 

Madaxweynaha Koofur Kuuriya gabadha lagu magacaabo Park Geun-hye ayaa sheegtay in Waqooyiga ay ka jirto Boqortooyo Argagixiso