Kulan balaadhan oo xalay oo tariikhdu ahayd 20.12.13 ka dhacay London soona abaabuleen West London Somaliland Community ayaa lagu gudoonsiiyey abaal-marin shakhsiyaadkii iyo mashaariicdii sanadkan 2013 bulshada reer Somaliland ee gudo iyo dabadba waxa weyn oo muuqada ka dhex qabtay.
Kulanka oo aad u balaadhnaa waxa goob-joog ka ahaa wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga caalamiga Somaliland Dr Mohamed Cabdilahi Cumar,Wakiilka Somaliland u fadhiya UK mudane Cali Adaan Cawaale iyo martisharaf kale oo ka socday dawladda hoose ee xaafada kulanku ka dhacay.
Kulka oo aad u balaadhnaa laguna abaal mariyey dad aad u farabadan oo ka kala socda Bulshada Qaybaheeda kala duwan oo ay ka mid ahaayeen arday reer Somaliland ah oo waxbarashada dugsiyadda sare ee dalkan meel sare ka gaadhay,Saxaafadda oo iyana lagu maa-muusay shahaado sharaf iyo Ururka Hablaha Garoodi, Waxa kale oo shahaadooyin kuwaa ka mid ah la siiyey ganacsato Somaliland gudahiisa iyo dalkanba ka hawlgala.
Kulanka waxa kale oo hadalo kasoo jeediyey Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga caalamiga ee Somaliland Dr Mohamed Cabdilahi Cumar,Wakiilka Somaliland u fadhiya UK mudane Cali Adaan Cawaale oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin kulankan shahaadooyinka lagu siinaayey shucuubta reer Somaliland ee dal iyo dibadba ku sugan waxa ayna sidasoo kale mahadnaq usoo jeediyeen West London Somaliland Community sida ay ugu dadaasho arimaha noocan oo kale ah,waanuna ku hambalyeynaynaa.
Waxa ay ahayd madal aad u qurux badan oo dhalinyaro yar-yar oo reer Somaliland ah heer sarena ka gaadhay waxbarashada dugsiyada sare la gudoonsiiyey shahadooyin tasoo ku tusaysa sida sanad walba sanadka ka danbeeya ay sare ugu kacayso waxbarashada dadka reer Somaliland ee dalkan ku nooli,waxayna taasi keentay sida caruurta walidiintoodu ay ugu dedalaan waxbarashada oo dhinac walba ah. Xaga kale West London Somaliland Community ayaa iyaguna hawl weyn ka dhex wada dhulshada dalkan degan dhinac walba.
Salaanmedia/London