Daawo Sawiro…Kulankii xalay ee mashruuca HAYA lagu gudoonsiiyey Abaalmarin dadka Soomaalida ah ee Horumarka la taaban karo sameeyey.

IMG_0050

 

Xaflad aad u balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen dad aad u farabadan oo ka kala yimid daafaha dalkan Ingiriiska,Haween,Dhalinyaro,Aqoonyahan iyo dadkale oo martisharaf ah.

IMG_0134

Kulan oo ah mid sanadle ah oo la qabto sanadwalba wakhtigan oo kale waxaana lagu gudoonsiiyaa shahaadooyin lagu maa-muusso dadka Soomaalida ah ee waxqabad weyn u qabtay Bulshada Soomaaliyeed,Kulanka oo ay soo abaabuleen  HAYA oo ka shaqeeya hawlaha Bulshada oo xarun balaadhan ku leh magaaladda London. Waxa shahaadooyin abaal marin ah la gudoonsiiyey Arday waxbarashada dalkan meelo sare ka galay,Saxaafadda,Sugaanta,Haweenka iyo dadkale oo la gudoonsiiyey shahaado sharaf.IMG_0053

 

HAYA oo kulanka soo abaabulay kana  shaqeeya hawlaha bulshada ayaa la mashruucan abaal-marinta bilaabay sanadkii 2009 kasoo sanad walba  ay sii kordhayaan dadka la gudoonsiinaayo abaal marinta oo ay ugu wacan tahay horumarka dadka Soomaalida ah ay dhinac walba ka sameynayaan. Codeynta oo ku dhacda hab aad u wacan oo qofku uu u codeynaayo qofka uu doonaayo tasoo lagu siiyo dedaalka iyo horumarka uu marka bulshada uu la nool yahay uu u qabto dhinac walba oo ka mid ah bulshada uu ku dhex nool yahay. Saxaafadda,Sugaanta oo shahaado la gudoonsiiyey Fanaanka weyn ee Maxamed Axmed Kuluc iyo Faarax murtiile.

IMG_0067

Rashiid Aadan Jaamac iyo Xuseen Ibraahim Askar oo ka mid ah dadkii xaflada qiimaha badan leh isku soo dubo riday oo aan wax ka weydiiyey abaalmarintan, qaabka ay u dhacdo iyo guud ahaanba kulankan ayaa ugu horeyn aad ugu mahad celiyey dadkii ka qayb qaatay codeynta ee codkooda kasoo dhiibtay,Waxa kale oo ay mahadcelin usoo jeediyeen sharikadda Xawaaladda ee Dahabshiil oo ay ku tilmaameen in ay qayb weyn ka qaadatay hirgalinta kulankan aad ka u weyn,Waxay kale oo dadka Soomaalida ah u tahay ayey sheegeen in la ogaado qofka ama mashruuca horumarka uu sameeyey tasoo u noqon karta in ay dedaal dhexdooda ka sameeyaan. tasoo ah in lagu abaal mariyo.

IMG_0149

Waxa ay ahayd madal aad u qurux badan oo dadka kasoo qaybgalay ay isugu jireen bulshada qaybaheeda kala duwan,waxa aad arkaysaa dadka abaal marinta la gudoonsiiyey oo aa ugu faraxsanaa abaal marinta la gudoonsiiyey.Waxa ay tani oo kale tahay kudayasho aad u wanaagsan in wanaaga la sameeyo aad ku muteysan karto abaal marin dhinacwalba ah,Waxa kale oo dhawaanahan dadka Soomaalida ah ee qurbaha ku nooli ay sameeyeen horumar la taaban karo dhinacwalba.IMG_0183(1)

IMG_0054 IMG_0057 IMG_0058 IMG_0060 IMG_0061 IMG_0062 IMG_0063  IMG_0068 IMG_0069 IMG_0072 IMG_0074 IMG_0075 IMG_0078 IMG_0084 IMG_0098 IMG_0103 IMG_0108 IMG_0131 IMG_0135  IMG_0148  IMG_0162 IMG_0169 IMG_0174 IMG_0176 IMG_0182  IMG_0185

 

 

 

 

IMG_0104 IMG_0107 IMG_0120 IMG_0134 IMG_0163Salaanmedia/London