Daawo Sawiro: Shir ay isugu yimaadeen Beelaha Direed oo ka dhacay Sweden “Baaq”

SAM_0421

Qodobka 1: Waxaan dooneynaa in aan marka hore ogeysiino bulshaweynta Soomaaliyeed  meel kasta oo ay joogaan in dagaalada ka socda gobolada Shabeelada Hoose iyo Hiiraan ay masuuliyadeeda leedahay dowlada federaal Soomaaliya maadaama hubka iyo saanada militari ee lagu weeraro degaanada Kabxanley iyo Lambar konton ay si toos ah uga soo baxayaan taliska ciidanka xooga dalka.
 
2: Dadka deegaanada lagu soo duulay udhashay ee gobolada Sh/Hoose waxeey diyaar uyihiin in ay iska defaacaan qolyaha hayaanka ah ee 22 kii sano ka waday dhulka beesha Biimaal dhaca, kufsiga iyo boobka dhul beereedka, marna ma dhici doonto iney ku guuleystaan damacooda waalan.
 
3. Waxaan ugu baaqeynaa dowlada uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud in ay joojiso dulmiga iyo gacansiinta qolayaha duulaanka wada ee dhibaataa wada isla markaana gacanta ka helaya rag ka tirsan xukuumada.
 
4: Waxaan aad iyo aad uga xunahay in Xasan Sheekh Maxamuud uu Xalay Commanddo-Polizio ku gudoonsiiyey Mooryaanka caanka ah Maxamed Rooble Jimacaale ‘Goobaale’ wax lagu sheegay bilad sharaf!!!!! Taas oo aan u aragno in uu ku muteystay dhibaatada uu ka wado Gobolka Sh/Hoose… dadkii uu laayey iyo guryihii uu gubay ee Lambar konton  iyo dhibaatada uu ku haayo guud ahaan dadka deegaanka maadaama uu isaga hogaaminaayo duulaanka lagu soo qaaday gobolka Sh/Hoose
 
5: Waxaan usheegeynaa ummada Soomaaliyeed in wax dagaal ah uusan ka dhexeynin Wax la yiraahdo Hawiye iyo Beelaha Direed laakiin qolyo ka soo duulay Gobolka Galgaduud oo xaaraan ku naaxayaal ah gaar ahaan Habargedir ay wadaan dhibaatada ka socota gobolka Shabeelada Hoose.
 
6: Heshiiska la xiriira dagaalada gobolka Sh/Hoose ee la sheegay in xildhibaanada dolwada ay wada galeen  waxuu u dhaqan geli karaa oo kaliya iyadoo sharci ciqaabeed laga soo saaro mooryaanta Habargedir ee duulaanka ku ah gobolka Sh/Hoose isla markaana la shaaciyo talaabada cad ee ay dowlada ka qaadidoonto hadii ay markale isku dayaan in duulaan ku soo qaadaan dadka deegaanka.
 
7: Hadaanu nahay beelaha direed waxaa ku celineynaa in aan nabad iyo walaaltinimo aan ku wada noolaano dadka aan walaahanahay ee udhashay Hawiye laakiin aanan marnaba ogolaan doonin in magaca Hawiye kuwo yar oo isticmaalayaa ay dadkeena gumaadaan, guryaheena gubaan hantideenana baabi’iyaan. Waxaan ku cel-celinaynaa in aan diyaar u nahay in aan difaacul nafsi galno isla markaana aanan ogolaandoonin xaqdaro iyo dulmi dambe.
 
8: Waxaan usheegaynaa Beesha boobka iyo dhaca caadeysatay ee Habargedir in ay ka waantoowdo dagaalada iyo duulaanka ay ku haysto dadka udhashay gobolka Shabeelaha Hoose hadii aysan dagaalada iyo mooryaanimada dhul boobka ku dhisan ka waandtoobin waxaan usheegeynaa in halka ay ka soo hayaameen ee gobolada dhexe ay qax ku tagidoonaan.
 
9: Aduun-weynaha waxaan usheegeynaa in dagaalada Hiiraan iyo Sh/Hoose ay yihiin dhul boob lagu haayo dadka deegaanka ah ee beeraleyda ah lana doonayo in beerahooda la qaato kuwi 20-kii sano ee la soo dhaafayna la heystayna larabo in la sii heysto taasi oo aan ka dagaalanay welina aan ka dagaalamidoono. Waxaana ugu baaqeynaa UN-ka, AMISON, IGAD iyo maxkamada danbiyada caalamiga ah ee Hague in la soo qabdto oo cadaalada la horkeeno kuwo wado galaada ee duulaanka ku ah deegaanada Sh/Hoose iyo Hiiraan.
 
10: Waxaan ugu baaqeynaa beelaha dega gobolka shabeelaha hoose iney u diyaar garoobaan kuna soo biiraan safka difaaca gobolka iyo sifeynta haraadiga mooryaanta kasoo hayaantay gobolada dhexe.
SAM_0430SAM_0411 (1)SAM_0412SAM_0416SAM_0417      SAM_0418  SAM_0419SAM_0422SAM_0423SAM_0424SAM_0425SAM_0426SAM_0429SAM_0430SAM_0431 (1)SAM_0433SAM_0435SAM_0436SAM_0437SAM_0410 (1)SAM_0437
 Salaanmedia/London