Daawo Sawiro:Kulan ilyartu is qabatay oo lagu soo dhaweynaayey Mayer kuxigeenka Caasimadda Hargaysa Mudane Cabdicasiis Maxamed (Cagoweyne) oo London ka dhacay.

IMG_0438

London Xaflad aad iyo aad loo soo agasimay oo ay soo qaban qabiyeen hablaha garoodi ee uk oo lagu soo dhawaynayey maayor ku xigeenka Casimada Somaliland Mudane Cabdi Casiis Maxamed Xaashi Cagawayne aya waxay ka dhacday bartamaha caasimada London

IMG_0331

Xaflada oo ay ka soo qayb galeen dad wayno aad u tiro badan oo ka kala yimid daafaha dalkan Ingiriiska,Xisbiyada Mucaaradka  Ucid,Kulmiye iyo Waddani iyo Safiirka Somaliland u Fadhiya UK Mudane Cali Adan Cawaale,Fanaaninta reer London ,West London Somaliland Community .

IMG_0347(1)

Xafladda oo ugu horeyn lagu furay Aayado Quraanka Kariimkaa ayaa waxa lagu soo dhaweeyey madax fara badan oo kulanka soo dhaweynta maayorkuxigeenka kasoo xaadiray,Haween iyo martisharaf kale oo aad u badan oo aad ugu mahad celiyey ururka Hablaha Garoodi ee UK oo kulanka soo abaabulay.

IMG_0349

Safiirka Somaliland Cali Aadan Cawaale ay  isna mahadnaq in kulankani yahay soo dhaweyn mayekuxigeenka oo caawa aynu soo dhweyn nayno waxa uuna aad uga hadlay muhiimada xidhiidhka iyo isku xidhnaanta shacabka reer Somaliland waxa kale oo uu sheegay in mayerkani yahay dhaliyarada dalka usoo kacay aadna u dedaal badanXafladda Soo dhaweynta Mayer kuxigeenka Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagoweyne).

IMG_0376

Waxa kale oo xaflada ka hadlay dadkale oo isugu jiray haween iyo dhalinyaro aadna mahadnaqa ugu soo jeediyey haweenka garoodi ee xafladan aadka quruxda badan usoo abaabulay.Waxa sidakoo kale hadalo aad u qiimo badan kasoo jeediyeye xafladda hablaha ururka Garoodi oo ugu oreyn aad ugu mahadceliyey kasoo qaybgalka xaflada.

IMG_0383Ugu danbeyntii waxa casho sharafta mikrifoonka lagu soo dhaweeyey Mayerkuxigeenka caasimadda Hargaysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagoweyne) oo marqudha sacab iyo mushxarad la isla kacay. Waxa ugu horeyn  aad ugu mahadceliyey dhamaan shacabka reer Somaliland ee kulankan kasoo qaybgalay gaar ahaan Haweenka Garoodi sida wacan ee ay noo qabileen aadna waan ugu mahad celinayaa,Waxa kale oo uu salaan hawada u mariyey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Marwadiisa.

IMG_0388

Waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata warbixin dheer kaga waramay intii uu dalkan Ingiriiska joogay wixii u qabsoomay iyo kulamo fool ka foola oo uu la yeeshay madax kala duwan oo dalkan Ingiriiska ah iyo shacabka reer Somalilandba guud ahaan dalkan Ingiriiska. Waxa Mudane Cabdicasiis uu hadalkiisa sii raaciyey oo uu marbixin kooban kaga waramay intii ay xilka hayeen Caasimadda Hargaysa waxyaalihii ay qabteen oo uu ku shegay guul iyo horumar la taaban karo.

IMG_0380

Waxa kale oo uu shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan kula taliyey in ay dalkooda wax u qabtaan kana faa’ideystaan dalkan ay joogaan,Waxa kale oo uu carabaabay muhiimada ay qurba-joogu kaga jiraan dalkii iyo sida loogu baahan yahay in ay gacmaha is qabsadaan.

IMG_0393

 

 

Wax uu ahaa kulan aad u qiimo badan oo ay hablaha Garoodi casumad aad u qurux badan kusoo dhaweeyeen Mayerku-xigeenka Caasimadda oo dhawaanahanba safaro ku gadaalaa bixinaayey daafaha dalkan Ingiriiska,Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi waa nin dhalinyaro ah aadna u dedaal badan  oo intii uu dalkan ku sugnaa sameeyey horumar la taaban karo oo dhinac walba ah,Mudane Cabdicasiis waxa uu maanta oo Khamiis 19.12.13 kulan laga soo shaqeeyey la leeyahay Duqa magaaladda London Mr Boris Johnson waxa aanad dareemi kartaa qiimaha uu kulankaasi oo kale ugu fadhiyo sahcabka reer Somaliland iyo gaar ahaan Caasimadda Hargaysa.

2

1

IMG_2704

IMG_2702

IMG_2698

IMG_0470

IMG_0402

Waxa kulanka shahaadooyin lagu maa-muusay qaar ka mid ah bulshada reer Somaliland oo dedaal dheeraada sameeyey, Waxa dhinaca kale kulanka aan ka maqnayn fanaaniinta reer London oo casho sharafta soo buux dhaafiyey oo ay ugu horeyso Saynab Cige iyo qaarkaloo badan.

IMG_0405 IMG_0408 IMG_0409 IMG_0410 IMG_0412 IMG_0413 IMG_0416 IMG_0421 IMG_0426 IMG_0430 IMG_0435 IMG_0438 IMG_0451 IMG_0469 IMG_2692 IMG_2694 IMG_2720 IMG_2721 IMG_2730 IMG_2732 IMG_2733 IMG_2739

IMG_0405

 

 

 

 

 

 

Xamse Axmed Salaan

London

www.salaanmedia.com