Daawo Sawiro:Wasiirka Cadaaladda Sacuudiga Dr Maxamed Cabdikariim Al-Ciisi oo booqasho ku yimid masaajidka Woolwich London.

IMG_0277 (800x533)

Waxa caawa abaaro 6 habeenimo ee saacada London booqasho ku yimid masaajidka Woolwich oo ku yaala Koonfur bari ee magaaladda London Wasiirka Cadaaladda Sacuudiga Dr Maxamed Cabdikariim Al-Ciisi,Wasiirka oo ay booqashadiisa ku weheliyeen qaar ka mid ah madaxda Safaaradda Sacuudiga ee dalkan Ingiriiska ayaa si weyn Muslimiiinta iyo masuuliyiinta masaajidku aad usoo dhaweeyeen,

IMG_0213 (800x533)

Kulanka wasiirk ayey ka danbeysay codsi ama casumad ay masaajidka Wooliich u diray uu kasoo jawaabay,Waxa wasiirku uu kusoo wareegay ama soo indho-indheeyey masaajidka oo qayb ka mid ahi tahay qabyo oo dhismihiisu uu socdo. 

IMG_0222 (800x533)

Wasiirka Cadaaladda Sacuudiga oo dadkii Muslimiinta ahaa ee masaajidka joogay khudbad kooban usoo jeediyey ayaa ugu horeyn aad ugu mahadceliyey soo dhaweynta aadka u qiimaha badan waxa uuna muxaadaro kooban oo uu kaga waramaayo safarkiisa,Baraarujin iyo in Illaahay lagu xidhnaado, laguna dedaalo sidii aad Diintiina u xoojin lahaydeen.

IMG_0287 (800x533)

Waxa wasiirku markii danbe la geeyey qolka shirarka oo loogu sameeyey casho sharaf aad u qiimo badan oo a y ku qaabileen qaar ka mid ah madaxda maa-musha masaajidka. Dr Cabaasi oo ah maamulaha masaajidka oo kulanka hadalo kooban kasoo jeediyey ayaa ugu horeyn aad ugu mahad celiyey soo booqashada masaajidka oo in mudo ahba dhismihiisu socoto,Waxa kale oo uu ka waramay tariikhda masaajidka la asaasay iyo wakhtigan baahida jirta in dib masaajidka loo dhiso,Waxa uuna ugu horeyn sheegay in masaajidkii Ilaahay yahay Illaahayna aanu dayacayn uuna soo dhamaan doono dhawaan.Waxa uu Wasiirka ku booriyey in dib-u dhiska masaajidka aad ka qayb qaadataan.

IMG_0299 (800x533)

Waxa mooqashadan oo kale ku yimid  masaajidka Woolwich Imaamka Madiina iyo madax kale oo ka tirsan dawladda Ingiriiska oo dhamaantood balan qaaday in ay ku dedaalayaan in masaajidka ay ka qayb qaadan doonaan dhamaystirka.Wakhtigan oo masaajidka yahay qabyo waxa dhamaan Muslimiinta lagu boorinayaa inay ka qayb qaataan.

IMG_0190 (800x533) IMG_0193 (800x533) IMG_0196 (800x533) IMG_0208 (800x533) IMG_0213 (800x533) IMG_0214 (800x533) IMG_0222 (800x533) IMG_0246 (800x533) IMG_0268 (800x533) IMG_0279 (800x533) IMG_0287 (800x533) IMG_0295 (800x533) IMG_0297 (800x533)IMG_0305 (800x533)

 

Salaanmedia/London