Dadkii laga barakciyey Kabxanley oo gar gaar deg deg u baahan

Waxaan ka codsan dhamaan jaaliyadaha beelaha Direed ee ku nool dal iyo dibedba iyo dhamaan hay’adaha samafalka inay ay gar gar deg deg ah la soo gaaraan dadkii laga barakiciyey degaanada Kabxanley, Deefow, iyo Madiina.

 

 

Dadka laga barakiciyey degaanadan oo inta hadda soo gaartay xeryaha qaxootiga oo tiradooda ah 8000 oo qofood ayaa aad ugu dhibaateysan xeryaha qaxootiga gobolka hiiraan, oo ilaaa iyo hadda aysan jirin wax gar gaar bina’aadanimo oo soo gaaray.

 

 

 

Waxaa jira dadkaloo fara badan oo iyagana u qaxay dhulka howdka, rag, dumar iyo caruur oo aan nolol iyo geeri laga war qabin waxa ay ku sugan yihiin taasii 00 muujineysa masiibada ka dhacday degaanadan in ay tahay mid aad u balaaran oo haddii aanan si deg deg wax looga qaban dhalin doonta in markale lagu fiirsado shacabkan marna la laayey, marna degaankoodu la gubay, inta hartayna macluul iyo gaajo ay ugu baaba’aan halkii ay u qaxeen.

Waxaan ka codsan markale in hayadaha samafalka ay sida ugu dhaqsaha badan ula soo gaaran gar gaar deg deg ah dadkan ku dhibaateysan xeryaha qaxootiga ee gobilka hiiraan. Iyo in loo diro gurmad dadka ku maqan dhulka howd’ka ee aan xaalkooda laga war qabin waxa ay ku sugan yihiin.

 

Masiibada iyo duliga waxashnimada ee loo geystay dadka degaanadan ka soo jeeda ayaa ah mid ku cusub taariiqda gobolka Hiiraan, maantana ay masuul naga saaran tahay dhamaanteen in la soo afjaro gardarada iyo dhibaatada lagu hayey shacabkan illaa 4’tii sanadood ee la soo dhaafay oo natiijadii ka soo baxday ay noqotay in dadkii degaanadan wax la laayey, wax la barakiciyey oo u kale baxay qaar soo gaaray xeryaha qaxootiga hadda iyo kuwa aanan nolol iyo geeri minda lagu haynin.

 

Image Thumbnail Image Thumbnail
Image Thumbnail Image Thumbnail

 

 

 

Halkan ka daawo video xiryaha qaxootiga Gobolka Hiiraan:

 

 

 http://www.youtube.com/watch?v=CaN_EvTWK3g

 

http://www.youtube.com/watch?v=d2y8SFmpI1k

 

Shabakada wararka Kabxanley

kabxanley.cowslafil.com