Dagaalada Shabeelaha hoose oo lagu tilmaamay mid siyaasadeysan oo Dowladdo shisheeye ay ku lug leeyihiin

Nabadoon Cali Garaad oo kamid ah Odayaasha mid kamid ah Beelaha ku dagaalamaya Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa sheegay in dagaalada Gobalkaasi ka socda ay yihiin kuwa siyaasadeysan oo Dowlado shisheeye ay ku lug leeyihiin.
Wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye, ayaa Nabadoonka wuxuu ku sheegay in dagaaladaan ay yihiin kuwa hab siyaasadeysan ku socda oo ujeedooyin fog fog laga leeyahay sida uu yiri.

Dagaalada Gobalka Shabeimageelaha hoose, ayuu sheegay inay dabada ka riixayaan Dowlado shisheeye oo kheyraadka Gobalkaasi dano gaar ah ka leh, heshiisyana ay kala saxiixdeen Xildhibaano kasoo jeeda mid kamid ah labada Beelood ee Gobalkaasi ku dagaalamaya.

“Xildhibaano Dir ah ayaa Nairobi heshiis waxa ay kula saxiixdeen Dowladda Talyaaniga oo waxa ay dhaheen Habargidir ayaa mooska laga qaadi la’yahay ee idinka dagaalada qarash ku bixiya anaga ayaa howsha galeynee”Ayuu yiri Nabadoon Cali Garaad.

Wuxuu intaasi ku daray warkiisa in Xildhibaanada Habargidir aysan ka hadlin dagaalada oo sax iyo qaladba ay ku canaantaan Odayaasha Habargidir inay iyaga qaldan yihiin, wuxuuna ku tilmaamay Xildhibaanadaasi kuwa aan waxba ogeyn.

Habargidir iyo Biimaal ayaan aheyn markii ugu horeysay oo ay Gobalkaan ku dagaalamaan, waxaana dhowr mar lakala dhexdhigay labadaan beelood heshiisyo ay garwadeen ka aheyd Dowladda faderaalka ee arimaha Shabeelaha hoose ku fashilantay.

Xaalada deegaano ka tirsan Gobalka ayaa hada degan, inkastoo saaka aroortii Num-50 dagaal uu ka dhacay, laakiin wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaalada hada ay tahay mid degan.

Salaanmedia/Mogdisho