DEG DEG: Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay Golaha Wasiirada Maamulkiisa (Akhriso)

Ahmed


War deg deg ah oo hada naga soo gaadhay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in goordhaweyd oo saaka ah lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada maamulka Jubba ee Magaalada Kismaayo.

Xaflad kooban oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Maamulka Jubba ayaa waxaa lagu dhawaaqay sideed kamid ah Golaha Wasiirada Maamulka Jubba iyo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulkaasi.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamulka Jubba ayaa waxaa goobta ka aqriyay C/naasir Seeraar Afhayeenka Maamulka Jubba ee Magaalada Kismaayo.

1 Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka Jubba ayaa waxaa loo magacaabay Suldaan C/qaadir lugadheere.

1:Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Cabdi Xafiid

2:Wasiirka beeraha Xoolaha iyo kaluumaysiga Maxamed Aadan Jaamac

3:Wasiirka Bulshada Maxamed Ibraahin Maxamuud (Macalin Maxamed)

4:Wasiirka caafimaadka iyo fayo dhowrka Xasan Daahir Yaroow

5: Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Maxamed Nuur Iftiin (Shambala)

6: Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Maxamed Warsame Faarax (Darwiish)

7: Wasiirka maalIyada Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar oo loo yaqaano Abuu Yuusuf.

8: Wasiirka Macdanta biyaha iyo Bii’ada Cabdi Nuur Cali Aadan.

Waxaa jiro Wasiiro kale iyo Wasiiro ku xigeeno iyo Agaasimayaal aan wali la magacaabin balse la sheegay in dhawaan lasoo magacaabi doono.

Salaanmedia/Mogdisho