DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dagaalada Shabeelaha hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe

madaxweynaha somalia

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay dagaalada culus ee ka dhacaya Gobalada Shabeelaha hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay dagaaladaasi, isaga oo ugu baaqay dhamaan dadka kasoo jeeda deeganada dagaalada ay ka dhaceen in dagaalka la joojiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in 20-sano kadib inay arin aad uxanuun badan ay tahay inay jiraan dad doonaya daadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed oo walaalo ah, waxaana uu Madaxweynaha sheegay in dagaalada Gobalada ka dhacayo ay wadaan dad diidan Dowladnimada.

“Waxaa kaloo intaasi dheer dadka colaadaha hurinaya kuwa ka shaqeynaya dhamaantood waa dad nidaamka Dowladnimada nabadeynta Dowlad dhisida horumarka dalka ka socda iyo soo kabashada Dowladeed Soomaaliya dad si un uga soo horjeeda oo raba si un inay u hakiyaan marka siriqdaasi naloo dhigaayo dadka Soomaaliyeed waa inay fahmaan oo ay ka tallaabsadaan”Ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha inay jiraan dad ka cabsanaya nabadda oo gabi ahaanba aan dooneyn nabadda, sidaasi awgeedna ay ka faa’iideystaan dad gaar ah oo doonaya inay dalka colaad ka huriyaan oo ku riixaya colaada.

Madaxweynaha, ayaa sheegay inaan loo baahneyn in xalka loo arko in la isdilo oo la islaayo, kadibna lawada hadlo xilli uu dhacay khasaaro badan, balse ay wanaagsan tahay ka hordhibaatada inta aysan dhicin in lawada hadlo.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladiisa ay aad uga xuntahay inay marwaliba maqasho dhiig shacab Soomaaliyeed oo daadanaya, dad barakacaya iyo dagaalo qabiil oo dhacaya.

Dowladda Soomaaliya ayuu tilmaamay inaysan marnaba raali ka aheyn dagaalada Gobalada dalka ka socda.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay gacan adag ku qaban doonto dadka hurinaya dagaalada oo uu ku tilmaamay fidno wadayaal, isaga oo xusay in hadhoow dadkaasi marka gacanta ay Dowladda ku dhigto aysan noqon doonin reer Hebel.

Odayaasha Dhaqanka Nabadoonada iyo shacabka ayuu ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya inay garab istaagaan Dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kala shaqeeyaan Nabadda iyo dib usoo celinta xasiloonida dalka

Salaanmedia/Mogdisho