Dhacdo Cajiib ah dad badana Layaab kunoqotay oo Maanta ka dhacday Muqdisho(Talow Maxaa Dhacay)

news

Xaflad Meher iyo Aroosba iskugu jirtay oo saaka ka dhici laheyd Magaaladda Moqdisho xaafadda Hodan ayaa ku dhamaatay weji gabax iyo fashil.

Dhacdadan ayaa qabsatay wiil ka mid ah dhalinyarada degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo xidhiidh Jacayl la sameeyey gabadh ka soo jeeda qoys ka mid ah barakacayaasha ku nool degaanka Ex-kontrol Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Markii la wada socday muddo kooban ka dib ayaa lamaanahan waxay ku heshiiyeen iney aqal galaan, iyadoo ergo ka socotay wiilka ay maalmo ka hor qoyska gabadha u tageen, ayna gudoonsiiyeen lacag gaadheysa illaa shan $500 oo loogu talo galay in aroos iyo nikaax lagu sameeyo, waxaana lagu balamay in maanta oo Jimce ah laga dhigo Meherka iyo Arooskaba.

Hase ahaatee saaka oo ahaa Jimcihii balanta ayaa waxaa dhacay arin lama filaan ah.

Wiilka loo meherin lahaa gabadha oo ay hareeraha ka socdeen xubno ka tirsan eheladiisa iyo asxaabtiisa ayaa saaka tagay halkii ay degenayeen qoyska gabadha, hase ahaatee waxaa loo sheegay hadal yaab, Fajac iyo weji gabax ku noqday oo ahaa in gabadha iyo qoyskeedaba ay halkaas ka guureen labo cisho ka hor, aysana jirin cid garaneysa meel ay tageen.

Wiilka loo meherin lahaa gabadha oo aad uga naxay arintaas ayaa goobta deg deg uga cararay, iyadoo aan la ogeyn halka uu jaan cirib iyo dhigay ka dib markii ay isugu darsameen gabadh la’aan, lacag la’aan iyo ceeb, waxaana tani ay ka mid tahay dhacdooyinka yaabka leh ee mararka qaarkood ka dhaca Muqdisho.

Salaanmedia/Mogdisho