DHAGAYSO : Nuxurka Kulan Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland La Yeeshay Saraakiil Faransiis Ah Oo Ku Dhex Jiray Markab Nooca Dagaalka Ah Oo Taagnaa Duleedka Dekedda Berbera

Dec 15, 2013 Berbera(SM) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland breC/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo ay weheliyaan masuuliyiinta Gobolka Saaxil ayaa kula shiraya Dawladda Faransiiska Markab weyn oo saaka ka shiraacday Duleedka Dekedda Berbera.

1392

Lama oga ujeedada shirka u dhaxeeya Dawladda Faransiiska iyo Somaliland, hase yeeshee waxa manta magaaladda Berbera laga dareemayey diyaarado kuwa dagaalka ah oo ilaalinya Markabka Faransiiska.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa waxaa ku wehelinaya gudaha Markabka saraakiil ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor xoor, Maayarka C/shakuur Cidin iyo masuuliyiinta Gobolka, laakiin lama oga dhinaca Faransiiska cida saran Markabka.

Halkan Hoose ka dhagayso