Dhalinyarada gobolada bari way dulmanyihiin!!!


Ugu horeyn waxa mahad iska leh ilaahay marka labaad waxaan umahad celinayaa dhamaan saxaafada madaxa banana ee hagar la’aanta ugu shaqaynaya bulshada  kuna dadaalaya gudbinta ra’yiga dadweynaha

 

Waxaan doonayaa inaan si kooban uga faaloodo dhalinta gobolada bariga Somaliland

 

Dhalinyarada gobolada bariga Somaliland miyaanay ka mid ahayn dhalinta dalka? Suaashaa jawaabteeda waxa iska leh cidkasta oo danaysa muhimada ay leedahay dhalinyarada gobolada bari, waxa lagama maarmaana in dhalinta gobolada togdheer,sool,sanaag,iyo buuhoodle, ay gacmaha is qabsadaan kana kacaan fadhiga cidna uma maqnee,

Hadaba aan baraarugno inagoo ka faaidaysanayna weedhii ahayd DHALINYARADA GOBOLADA BARI WAY DULMANYIHIIN !!!

Aad baad umahadsantihiin saxaafada,iyo akhristayaasha,

Qalinkii:Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

burao,togdheer,somaliland