Dooda mooshinka Xukuumada Soomaaliya oo dhameystirkeeda dib loo dhigay maalinta berito ah

image

Waxaa soo goor dhow la soo gaba gabeeyay fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya ee uu maanta ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka, si looga doodo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada.

Sabtidii, ayaa waxaa saxiixday 88 Mudane-yaal, si ay uga doodaan mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumada, waxaana maanta ka dooday tiro ka badan 50 xubnood, halka ay harayn ilaa 30 kale.

Guddoonka Baarlamaanka, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in uu xiran yahay fadhigii Baarlamaanka, kadib saacado dheeraad ah oo ay maanta baaqi ku ahaayeen Xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaanada mooshinka ka keentay Xukuumada, ayaa waxay ka soo horjeesteen in ka doodista mooshinka markale dib loogu dhigo maalinta berito ah. Laakiin Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku qanciyay inaanay heysan waqti in ku filan.

Xildhibaan kasta, ayaa wuxuu hadlaayay ilaa seddex daqiiqadood, iyadoo isla maantaba uu u soo gaba gaboobi lahaa mooshinka ku aadan Xukuumada. Ha yeeshee waxaa waqtiga ka lumiyay intii laga doodaayay, dalabkii Raa’isal Wasaaraha ee ahaa in loo ogolaado in uu yimaado fadhiga Baarlamaanka. Bal si uu isku difaaco.

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay maanta kahor yimaadeen dalabka uu u soo jeediyay Raa’isal Wasaare Saacid.

Kooromka Baarlamaanka ee soo xaadirtay, ayaa waxay ahayd 231 Mudane, iyadoo 141 ay kahor yimaadeen in uu Saacid horyimaado Baarlamaanka, 7 way ogolaatay, 8 way iskaga aamustay, halka 75 Xildhibaano aynaan wax cod ah ku darsan.

Salaanmedia/Mogdisho