Dowladda Soomaaliya oo heshiis kala dhex dhigtay Beelaha Habargidir & Biimaal (Dhageyso)

Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay wadaa dadaalo ay ugu kala dab qaadeyso, labada beelood ee ay xurgufta ugu dhaxeyso qaybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wefdi ka socda Dowladda, Xildhibaanada Habargidir iyo Biimaal, ayaa waxay maanta gaareen Deegaanka Nambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa wuxuu ka warbixiyay nooca uu yahay heshiiska, ay isla wada qaateen labada beelood.

Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish”, oo kamid ahaa wefdigii ka socday Dowladda, oo sidoo kale la hadlay VOA, ayaa waxa uu ka hadlay dadaalada, ay Dowladda ugu kala gar noqeyso beelaha is haaya.

Dhageyso: Heshiiska ay isla wada gaareen beelaha wada dagaalamay

Â