`Durba Miyaad illowdeen`Waa Qormo Khamiisle ah Qalinka: Boobe Yusuf Ducaale Tirsigii 3aad

durba

Durba miyaa illawdeen,

Maalkii dadweynaha,

Kii la yidhi daldalo iyo,

Kii shilinka lagu dilay?

 

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

 

26/12/2013ka, Hargeysa,

 

Cashuurta

 

“Calankii yimaaddaba wax baa, lagu cashuuraaye,

Sow waxay dawladi cuntaa, cuud nin kale ma aha,”

 

Cige Aw Cali

 

Hordhac

dur

Aan is-barraxo. Ballaysinka Qormadan aan ku barriijiyo marka horeba inta war-xumo-tashiilka ah iyo inta si’-xun-u-sheegga ah ee la yidhi sixirka waa ay ka daran yihiin. Aan la hadlo intiinna taabka gaaban ee aan Qormadan in ay dhammeeyaan tahlayn ee akhris-gaabka ah oo dulucdaba u soo hor mariyo.

Boobe Yusuf

Cashuurta ha la bixiyo, waa daw. Weliba bixin oo keliya ma aha e’, waa in ay dhaqan inoo noqotaa marka hore. Mar labaadka waa in aynu ka xisaabtannaa halka ay tagto iyo waxyaabaha loo adeegsado. Hawl fudud ma aha, waa se geeddi-socod la inooga baahan yahay in aynu u dul-qaadanno oo si hufan u hirgelinno.

Cashuur, waa erey xilliyo hore ku soo biiray nolosha dadka Soomaaliyeed oo uu la yimid gumeysigii dalka ka talin jiray. Cashuurtu waa diiqo qasab ah (sharci ah) oo ay tahay in ay dadweynuhu ku biiriyaan dakhliga qaran oo ay dawladdu amartay in laga bixiyo dakhliga shaqaalaha iyo hawlaha ganacsi ama la dul saarayba badeecadaha, adeegyada iyo heshiisyada ganacsiba.

Maxmiyaddii Somaliland ee Ingiriisku gumeysan jiray, ka dib markii la jebiyay xarakaddii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan, laba qodob ayaa ugu mudnaa siyaasadihii gumeysigii Ingiriiska, kuwaas oo kala ahaa: Hanashada deggenaanshaha iyo isku-fillaanshaha dhaqaale ee Maxmiyaddii Somaliland. Qodobkan labaad ee isku-fillaanshaha ayaa xiisado dhaliyay markii cashuurta la soo rogay soddonaadkii qarnigii 20aad, taas oo sababtay in sarkaal Ingiriis ah oo Giib (Gibs) la odhan jirayo lagu dilay magaalada Burco.

Saamayntii cashuurta

Dooca iyo dareenka qofka Soomaaliyeed marka hoos loogu daaddego, ereyga cashuur wuxu xanbaarsan yahay cadaawad iyo nacayb. Qofka Soomaaliyeed ee qabkii iyo isla-weynaantii raactada qabaa wuxu aamminsan yahay in ay gunnimo tahay in dalkiisa lagu cashuuraa oo weliba ay ku cashuuraan quwado shisheeye. Intii uu gumeysigu joogay, dhaqan ayay iska ahayd in dadka wax lagaga soo celiyo cashuurtii laga qaaday iyaga oo adeegyo ijtimaaciya loogu fulinayay.

Intii lagu jiray halgankii gobannimo-doonka ahaa, dadka waxa lagu hawl-gelin jiray in dooxyadu malab iyo caano soo rogman doonaan marka la xoroobo. Lixdankii markii la xoroobay ee ay dadkii ku hungoobeen webiyadii caanaha iyo malabka ahaa ayaa heesihii la qaadi jiray waxa halkudheg u ahaa: “Meeyoo xagguu maray, wixii nalagu maan-lulay.” Beryihii dambe ee la xoroobay ee uu musuqu dabarka goostayna heesihii la qaadi jiray waxa ka mid ahaa: “Nin agoon ku xaday qalin, qeyr kama macaashee” oo uu iska lahaa Cabdi Xandulle oo Af-weyne loo yaqaannay.

Tan iyo markii Somaliland lagu dhawaaqay dhaqanka cashuur-bixintu maalinba maalinta ka dambaysa wuu soo xoogaysanayay. Tan iyo maalintii ay dadweynuhu arkeen ama la dhaqan-geliyayba dawladnimada iyo is-xukunka, dareen beyr leh ayaa laga qabay xukuumadihii dalka ka soo talinayay tan iyo gumeysigii. Marna dadweynuhu isuma ay arkin ama maba ay rumeysan in ay iyagu leeyihii xukuumadda. Nacaybka caynkaas ahi wuxu ka dhashay aamminsanaantii ay dadku rumaysteen in aanay iyagu marnaba lahayn dawladda ama xukuumadda.

 

Dareenkaa taabani waa mid ilaa maanta taagan oo aan si fudud ku tirtirmayn, una baahan in dadweynaha lagu abuuro kalsooni iyo in ay yeeshaan yuhuunta lahaanshaha ee xukuumadda iyo dawladnimada. Inta la xukumo ma aha oo keliya ee xataa inta talada gacanta ku haysa ayaan aamminsan in ay xukuumadda leeyihiin ka aammin-baxsan oo aan boobka uga tudhayn. Bal maxaad u malayn kii la xukumayay. Si aynu horumar buuxa u gaadhno waa in ay dadweynuhu aamminaan in ay iyagu leeyihiin dawladda iyo xukuumaddaba sidaana ku dhowraan kuna badbaadiyaan hantida dawladda. Sida kalsoonidaa lagu abuurayaa hawl fudud ma aha. Waa in ay ka timaaddaa labada dhinacba: dhinaca dawladda isla markaana ay dadweynuhu tallaaboyin togan soo qaadaan oo aanay halkoodii hore taagnaannin. Culayska hawshan kalsooni-abuurku wuxu dusha ka fulayaa hor iyo horraanba dawladda iyo inta talada dalka gacanta ku haysa. Inta ummadda xilka u haysaa waa in ay aamminaan oo rumeystaan in ay dadka u yihiin adeegayaal ee aanay u ahayn madax ama taliyayaal hadba wixii duunkooda ku soo dhaca ku xukuma.

 

Haddii dadka laga yeesho talada iyo lahaanshaha dawladnimo, dadweynahuna waa ay sii fogaanayaan. Waxyaabaha aawan ee aynu arkaynno waxa ka mid ah dawladii oo ku qaylinaysa in cashuurta la bixiyo, bal se aan ka war-bixinayn cashuurtii la bixiyay halka ay martay iyo sida loo adeegsaday. Waxaad arkaysaa dad mas’uuliin ah oo cashuurtii shacbiga laga qaaday baabuur aan daafad loo hayn ama guryaba ka dhisanaya oo aan qarsoonayn.

 

Waxa xusuus mudan in beryihii uu Madaxweyne Cigaal talada hayay ee uu ka yaabay baabuurtii ‘Land-cruiser’-rada ahayd ee ay wateen Wasiirradii xilligaa xilka hayay, waa kii ka wada dhigay. Iyada oo ay baabuurtaasi ka tayo liiteen kuwa maanta madaxda qaarkeed wataan ee labeenta leh muraayaduhuna u dallacan yihiin, haddana Madaxweyne Cigaal go’aan fiican ayuu qaatay oo wuxu Golihiisii Wasiirrada ugu beddelay Mark-tuuyo, baabuurtii kalena waa uu ka xereeyay. Waa tusaale ku-dayasho mudan kol haddii ay waxeennii weli nool yihiin oo ay socdaan.

 

Tan iyo 1991kii, xukuumadiba tii ay ka dambeysay ayay ka takri-fal xumeyd. Maamulkii Tuur, cashuuraba lama qaadi jirin haddana uma uu baahan maamulkaasi in uu dhulkii iyo hantidii ummadda iibiyo. Wuu ka xishooday oo tallaabadaa gurracani kuma ay jirin ujeeddooyinkii shariifka ahaa ee uu u soo halgamay. Maamulkii Cigaalna dhul iyo daaro uu iibiyo wuu ka gaabsaday, isla xisaabtanna waa uu jiray oo Hanti-dhowrka Guud ilaa xad wuu shaqaynayay. Maamulkii Ra’yaale oo ahaa kii ugu muddada dheeraa musuqu waa jiray, dhul-iibsuguna waa uu ku badnaa beryihii uu xilka ka sii degayay oo Hindiya Laynkii waxba kagama tegin.

 

Maamulka maanta jiraa waa kii ugu dakhliga badnaa ee ugu xisaabtanka liitay. Marka cashuur iyo dakhli la doonayo si faah-faahsan ayaa loo soo dhigaa oo weliba meel walba looga baahiyaa iyada oo lagu faanayo halka Miisaaniyaddii la gaadhsiiyay. Laakiin, ma aragno, ma maqallo wixii hanti la soo xereeyay halka ay martay iyo sida ay ku baxday. Iyada oo aan xisaab-xidh Golayaasha Xeer-dejinta la keenin ayaa Miisaaniyad kale la soo gudbiyaa. Takri-falka hantidaasi sida cadceedda ayuu meelo badan uga muuqdaa. Ma dhulkii baa? Malahayga meel bannaaniba ma hadhin. Timacadde ayaa laga hayay mar uu gumeysiga ka hadlayay: “Siraad waxay ku doon-doonayaan, sees ay dumiyaan.”Ma is-tidhaahdeen dillaalinta Madaxtooyada ku xeersani: “Siraad waxay ku doon-doonayaan, sees la iibsado.”

 

Bal Tiyaatarkii ka warran oo aan markii horeba barxad (Parking) lahayn oo la leeyahay hortiisii ayaa dad la siiyay. Malaha waxa fiicnaan lahayd in aad soo aragtaan fool-xumada iyo dhagarta aynu ka fursan karaynay ee halkaa taal.

 

Hanti-dhowrkii iyo Guddidii la-dagaallanka Musuq-maasuqu meel ay ku dambeeyeen lama hayo. Xukuumaddu in ay fadhiga ka kacdo ayaa la gudboon. Madaxweyne Siilaanyo oo shan sannadood iyo badh SNM soo hoggaaminayay, dhaqan iyo caado midna uma lahaan jirin hanti-boob iyo eex-qabyaaladeed. Qof-ku-dhegga iyo qof-jeclaysiga wuu iska lahaan jiray, mar haddii uu iska soo taagana lama soo marin jirin.

 

Dardaarankaygu waxa weeye: “Madaxweyne iska hubso inta nasteexa iskaga kaa dhigaysa ee kugu xeeran jarkana kaaga tallaabsanaysa ee hadba waxaan jirin kuu soo sheegaysa. Waa talo.

 

Dhammaad,

Waa inoo Tirsiga 4aad haddii Eebbe idmo. 

Halkan Guji Si aad u Akhrisato Tirsigii Hore