Fursaddaha ganacsi ee ka jira qaarada afrika (business opportunities of africa)

 

Fursaddaha ganacsi ee ka jira qaarada afrika (business opportunities of africa)

mahad oo dhan ilaahaybaa iska leh nabigeeniina naxariis iyo nabedgelyo korkiisa ha ahaato,marka labaad waxaan umahad celinayaa saxaafada madaxa banaan,waxaan jecelahay inaan si kooban uga hadlo (fursadaha ganacsi ee ka jira qaarada afrika/business opportunities of africa)

Ogaanshaa fursadaha ganacsi ee ka jira qaaradda afrika ma aha wax si fudud lagu ogaan karo waa arin u baahan in la sameeyo daraasad xog-uruurin (business feasibility study) oo weliba waddan ilaa waddan loo maro laguna bixiyo kharash badan. Laakiin waxaan marnaba laga tagi karin in dhamaan ay jirto baahi guud oo ay qabaan oo ah isku filaasho la’aan.

Si loogu guulaysto suuqyada afrika waxaa loo baahan yahay in lala yimaado khibrad ama fikrad ka duwan kuwa hadda ka jira. Afrika waa meesha keliya ee uu qofku muddo kooban ku samayn karo lacag aad u badan haddiba lala yimaado ganacsi khibradiisii wata. Hadaba anaga dadka soomaalida ah hadaan nahay waxaanu ganacsiyo ka bilownay afrika laakiin waxaa naga maqan aqoontii iyo xirfaddii aan suuqyada si fudud ugu gali lahayn, waxaa keliya oo aan eegnaa maxaa magaaladaa ka soconaaya amaba muxuu soomali kale ka shaqeeyaa halkii uu raadin lahaa ganacsi ka duwan kan uu sameeyay soomaaliga kale.

Waxaan arkay soomaali badan oo timi qaaradan afrika kana yimi debadaha gaar ahaan waqooyiga ameerika iyo yurub oo si fudud ugu guuldaraystay in ay ganacsiyo ka furaan qaaradan. Bilowga marka ay yimaadaan waxaad moodaa dad aqoon leh oo wax kala wadi kara laakiin muddo yar kedib waxaad arkaysaa shirkaddii oo la isku haysto oo gartooda loo fadhiyo taasna waxaa sabab u ah waayo aragnimo la’aanta inawada haysata hadaan soomaali nahay.

Si aan uga gudubno dhibaatooyinka jira waa in aynu wax ka baranaa sida maanta uu u socdo ganacsiga adduunku iyo weliba sharciyadda ganacsiga. Waxaan daraasad kasoo sameeyay wadamo badan oo ku yaal qaaradan afrika. Markaan ka hadlaayo afrika keliya kama hadlaayo East Afrika waxaan ka hadlayaa dhamaan afrika. Balse waxaan odhan karaa wadamada afrika ee aan ahayn east afrika ayaa hadda jaanis badani ka jiraa.

Afrikaa waxa ay hadda ku socotaa xawli aad u badan dhinaca ganacsiga maadaama ay tahay waddamo soo koraaya. Ganacsiga ugu badan ee lagu guulaystay qaaradan afrika waa saddex nooc:

· Ganacsiga warshadaha yaryar (light industry)

· Iyo in aad wakiil buuxa u tahay shirkadd weyn (agent)

· Iyo in aad samayso ama keento badeeco ama adeeg aan hore u jirin (unique products or services)

Ganacsiga warshadaha yaryar (light industry) ayaa hadda waxaa ay noqdeen fursadaha ugu fiican ee ganacsi ee laga samayn karo qaaraddan afrika. Waxaana marba marka ka dambaysa soo badnaaya baahida loo qabo in gudaha laga soo saara badeecadda halkii debada laga keeni lahaa taas oo keenta in badeecaddu jabnaato lana helo shaqaale aad u jaban. Dawladdo badan oo afrika ka mid ah ayaa aad u dhiir geliya arinta keenida ama maalgashiga warshaddaha yaryar.

Wakiilka (agent) shirkadd weyn oo caalami ah loo noqdaa waa fursadda labaad ee ku soo xigta ta warshadaha yaryar. Waxaa aad u yaqaana arinta wakiilka dadka hindida ah oo runtii si fiican ugu jira suuqyadda afrika.

Keenida abuurida badeeco ama adeeg ku cusub afrika ayaa asaguna waxaa uu noqday jaanisyo ka jira afrika, tusaale ahaan haddii aad waddan keento badeeco ama adeeg kuu gaar ah waxaa suurto gal ah in aad faaiido ka hesho ilaa inta cidkale suuqa kasoo galayso.

Hadaba waxaad moodaa ganacsigii soomalidu taqaanay ee ahaa maryaha, raashinka, electronics, bagaashka iyo shidaalkaba in la isaga daba yimi oo dadkii wadamada u dhashay ee afrikaanka ahaa ay shaqadan soo baranayaan. Taasina waxaa ay keentay in suuqyo badan soomalida ay si fudud uga guuraan amaba uu burburo ganacsi cusub oo dhawaan la abuuray.

 

5tii sanno ee ugu dambeeyay ganacsiga soomalida 85% shirkaddihii la abuuray waa ay guul daraysteen sababtoo dadkii afrikaanka ahaa ayaa bartay meelihii ay soomalidu kasoo qaadan jireen alaabta. Dadka hindida ahi ayagu hadda waxaa ay u guureen dhinaca warshadaha yaryar iyo shirkaddo ay wakiilo u noqdaan.

Hadaba halkan waxaan kusoo qaadan doonaa in aan iftiimiyo fursadaha ganacsi ee kajira afrika, waxaan kasoo qaatay intii aan u arkay in ay muhiim tahay:

1. Xanaanadda doorada ama digaaga (Poultry farming):

Qaaradda afrika oo aad looga isticmaalo ukunta iyo hilibka dooradda ama digaaga ayaa waxaa soo kordhaysa baahidda loo qabo in la abuuro goob lagu xanaaneeyo digaaga. Waxaa jirta in badanaa hilibka digaaga ee lagu isticmaalo afrika uu ka yimaaddo wadamo ka baxsan afrika.

2. kabaha iyo dharka huudhayga ah (Used shoes and clothes):

Badanaa waddamada afrika waxaa aad ugu soo badatay baahida loo qabo dharka ama kabaha la isticmaalay ee tayadoodu aanay liidan, Weliba huudhayga ka yimaada wadamada Europe iyo N/Amerika ayaa aad loo jecel yahay. Faaiidada qodobkan labaad waa in aad hesho cidii kuu keeni lahayd alaab tayo fiican leh.

3. Beerfalasho (farming):

Waxaan la iska indha tiri karin in khudaarta wadamada afrika qaarkood laga keeno meelo ka baxsan gudahooda. Wadamo leh webiyo iyo barwaaqo kale ayaa hadana loo soo dhoofiyaa khudaarta dawladaha afrikaankuna hadda waa ay dhiiri geliyaan cidii xaga beeraha maalgashanaysa.

Aad baad umahadsantahay akhriste

Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

burao,togdheer,somaliland