Guddoomiyaha Qaban Qaabada Shirweynaha Doodda Qaran Oo Ka Waramay Halka Ay Hawshu U Marayso

imagesL42QO5YQDec 14,2013 Hargaysa(SM)-Guddoomiyaha qabanqaabda dooda qaran ee xisbiyada mucaaradka ah ay ku hawlan yihiin Dr.Maxamed Cismaan Fadal, ayaa si adag u sheegay in aanay qabashada doodaas ku joojinayn cabudhin iyo adeegsiga ciidamadda, waxaanu sheegay inay wali u socdaan hawlahii qabanqaabada dooda qaran.
Sida oo kale waxa uu Dr.Fadal waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay inay gudida qabanqaabada dooda qaran ay madaxweynhaa u direen warqad martiqaad ah. Waxaanu sidan ku sheegay Dr.Fadal mar uu u waramayey warbaahinta waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi“Qaban qaabada doodu wali waa ay socotaa, qabanqaabada shirarka muhiimka ahina wakhti ayay qaataan, marka uu shirku weyn yahay waxa la eegaa dadka ka soo qaybgalaaya baaxadooda,markaas mar haddii aynu qaban qaabinayno dood qiimo leh oo Somaliland anfacaysa wakhtibay qaadanaysaa.”

Dr.Fadal oo aanu waydiinay waxa ka jira inay u direen martiqaad madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi“Warqad aanu u dirnay madaxweynaha oo ah inuu doodan ka soo qaybgalo ma jirto,shirkuna wakhti martiqaad la bixiyo oo warqado la qoro muu gaadhin,marti qadyadiisuna way noo danbeeyaan,walina talo ururintii dadka ayaa socota,laakiin madaxweynaha umaanu qorin wax warqad ah oo uu shirkaas kaga soo qaybgalaayo.”

Salaanmedia/Hargaysa

Geeska