Home Wararka Gudiga Beelaha Habar-Yoonis Ee Talo Iyo Towfiiq Oo Baaq Nabadeed U Diray...

Gudiga Beelaha Habar-Yoonis Ee Talo Iyo Towfiiq Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dirisan Degmadda Taleex Ee Gobolka Sool.

image

Gudiga Beelaha Habar-yoonis Ee Talo Iyo Towfiiq Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dirisan Degmadda Taleex Ee Gobolka Sool.                                                    

 

Burco-(SM)-War-murtiyeed uu soo saaray Gudoomiyaha gudiga Habar-yoonis ee Talo iyo Tawfiiq oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Qarannews oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidatan:-

 

“Haddii aannu nahay guddida Talo iyo Tawfiiq ee Beelaha H/yoonis,waxaannu baaq nabadeed hawada u marinaynaa Beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmarayo deegaanka Taleex,sidoo kale waxaannu  aad iyo aad uga xunnahay  Dagaalka sokeeye ee  dhiigga badani ku daadanayo ee ka socda  Deegaanka Taleex,dagaalkaas oo dhexmaraya dad isku ehel ah,isku beel ah,oo walaalo ah.

Sidaa awgeed, waxaannu Isimada ,Garaaddada,Cuqaasha iyo Waxgaradka kale ee beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya  ka codsanaynaa inay  sida ugu dhaqsaha badan u joojiyaan dagaalka  foosha xun ee dhiigga badani ku  daadanayo ,isla markaana dagaal wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhashee in caqligu shaqeeyo oo aanu qorigu shaqayn.

Haddaba waxaannu marlabaad iyo mar-saddexaadba ku celcelinaynaa oo aannu guud ahaan beelaha walaalaha ah,iyo madax-dhaqameedkoodaba ka codanaynaa in si degdeg ah ay u joojiyaan dagaalka waxii khilaaf ah ee laysku hayana ku dhameeyaan wadahadal .

 

 

Gudoomiyaha Guddida TIT

ee Beelaha H/yoonis.

Xasan Xuseen Faarax

Burco Somaliland