Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Ka Socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ee Dalka Denmark

image

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta xafiiskiisa  ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Denmark.

gud4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wafdigan oo uu hogaaminayey Md  Henrik Jespersen, Senior Technical Adviser oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda  waddanka Denmark waxaana ka mid ahaa waftigiisa Marwo Lotte Mindedal oo la taliye ka ah  safaaradda Denmark ee Nairobi (Coundellor – Development Somaliland and Somalia Team) iyo Md Soren Skou Rasmussen, madaxa DANIDA ee Somaliland (Head of Office, Programme coordinator/DANIDA programme Office, Hargeisa).

gudoomiye1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wafdigani waxay Somaliland u yimaadeen qiimeynta mashaariicda horumarineed ee dawladda Denmark maalgeliso ee ka socda Somaliland. Wafdigani mudadii ay joogeen waxay soo booqdeen gobolada Jamhuuriyadda Somaliland.

gu3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha oo si diiran u soo dhaweeyey waxa uu si guud wafdiga ugaga warramay arrimaha horumarka, Amniga, Doorashooyinka iyo  Diiwaagelinta, Gudoomiyuhu waxa uu xusay in shacbiga Somaliland uga mahadnaqayaan dawladda Denmark kaalinta ay kaga jirto mashaariicda horumarineed iyo taabagelinta dimquraadiyadda iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha si ay doorashooyinku u qabsoomaan waqtigii loogu talo galay oo ah 2015.

Madaxa wafdigu waxa uu gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uga xog warramay baaxadda kaalmada dawladda Denmark siiso Somaliland iyo ka qayb qaadashada diiwaagelinta codbixiyeyaasha ee dhawaan la filaayo inay dalka ka qabsoonto.

 

Source: Golaha Wakiilada JSL