Gudoomiyaha Guurtida Oo La Sheegay Kala Kulmay Hindise Uu U Bandhigay Dhigiisa Wakiilada Si Loo Hakiyo Shirka Dooda Qaran Ee Mucaaridku Ku Baaqay

th (1)

Dec 15,2013 Hargeysa(SM)-Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa la sheegay in kulan dhexmaray shalay dhigiisa gudoomiyaha golaha Wakiilada, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) oo uu ugu bandhigay in la hakiyo shirka dooda qaran ee xisbiyada mucaaridku ku baaqeen ayaa la sheegay in uu wajigabax kala kulmay hindisaha uu u bandhigay gudoomiye Ciro.

Ilo wareedyo u dhuun-daloola xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka guurtida iyo wakiilada ayaa Saxaafada u sheegay in gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu dalabka kulankaasi iska lahaa in gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro uu kaga codsaday inuu hakiyo shirka dooda qaran ee labadooda xisbi mucaarid Ucid iyo Wadani ay qaban qaabinayaan, taas la sheegay in Cabdiraxmaan Ciro uu gaashaanka ku dhuftay dalabka gudoomiye Saleebaan.

Hase yeeshee Waxay tibaaxuhu intaa ku darayaan in gudoomiye Ciro u cadeeyay in dooda qaran ay tahay mid lagaga hadlayo arrimo ku saabsan danaha guud ee qaranka, taas darteedna la sheegay in gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo gudoomiyaha wakiiladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) canaan weyn uga soo jeediyay inuu dhexdhexaad u noqdo xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka.

Waxa kale oo wararku intaa ku darayaan in gudoomiye Ciro sidoo kale gudoomiye Saleebaan uu ku dhaliilay in gar iyo gardaraba uu ku taageero xukuumada, balse wararku intaa raacinayaan in gudoomiye Saleebaan uu ugu soo jeediyay inuu door dhexdhexaad ah ka qaato arrimaha xukuumada iyo xisbiyada mucaaridku isku hayaan oo la tibaaxay inuu ku sheegay arrimo salka ku haya doorashooyinka madaxtooyada ee dalka ku soo fool leh, kuna beegan 2015.

Salaanmedia/ Hargeysa Office